daajis.com:- Ninka ugu cad cad Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa baajiyay isu soo bax siyaasadeed oo uu ku qabtay magaalada Chicago, markii dibad baxayaal careysan ay ka banadeen isu soo baxaas inuu kula hadlo taageerayaashiisa.
Rabshado ayaa bilowday markii ay isku dhaceen taageerayaasha Mr Trump iyo dad careysan oo aad uga soo horjeeda hab dhaqankiisa.
Donald Trump ayaa u yeertay ciidamada ammaanka, si ay u kala eryaan dadka ka soo horjeeday ee rabshada bilaabay, waxaana markii ay qalalaasaha ay sii xoogeysteen ay dhacday in la baajiyo isu soo baxa.
Booliska ayaa rabshadaha u xiray illaa 32 ruux oo isugu jiray labada dhinac, taageerayaashiisa iyo dadkii ka soo horjeeday markii gacan la iskula tagay.
Musharaxa Donald Trump ayaa sii waday hadaladiisa ka dhanka ah Islaamka iyo dadka kale ee ka soo jeeda Latin America sida Mexico.
Musharaxan maalqabeenka ah ayaa iska fogeeyay eedeyn loo soo jeediyay oo ah inuu dhiira geliyo rabshadaha, maadaama hadalada uu jeediyo ay u badan yihiin kuwo naceyb iyo rabshado abuuri kara.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa uu guulo ka soo hoyay Gobolo badan oo ku yaalla Mareykanka, waxaana aad loogu saadaalinayaa inuu noqonayo qofka ku soo bixi doona Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga.
Waa qalalaasihii u dambeeyay ee uu la kulmo Musharaxan inta uu ku guda jiro ololaha uu ku doonayo inuu ku noqday Musharaxa Madaxweynaha Mareykanka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at