daajis.com:- Booliska Belguim ayaa baaritaan ku wada muuqaalada seddax nin oo looga shakisan yahay in ay fuliyeen weerarkii ismiidaaminta ee saakay {Tallaado} ka dhacay garoonka diyaaraddaha Zaventem ee magaalada Brussels.
Baaris lagu sameeyay kaamirada amaanka CCTV ee garoonka ayaa laga helay seddax nin oo labo ka mid ah xiran yihiin jaakado madow ah iyo gacmaha oo ugu jira “gloves” labadaasi oo ah kuwii is qarxiyay, halka ninka kale ee xiran dharka cad uu baxsaday.
Labada nin ee dharka madow xiran ayaa waxaa ku rakibnaa jaakadaha qarxa, sidoo kale booliska ayaa helay waxyaabaha qarxa oo ahaa suun iyo jaakad, lana rumeysan yahay inuu ka baxsaday ninka xiran dharka madow.
Booliska ayaa soo saaray fariin lagu baadi goobayo ninkaasi baxsaday, iyadoo sawirkiisa meel walba la dhigay.
Sidoo kale, boolisku wax sheegay in suuragal tahay in ninkaasi ku lug lahaa qaraxa ka dhacay xarunta tareenka dhulka hoostiiga laga raaco ee station Maelbeek oo la qarxiyay, halkaasi oo ay dhimashada dadku gaarayaan 15 qof.
Waxaa kaloo ciidamada booliska gacanta ku dhigeen ilaa shan qof oo looga shakisan yahay inay hagayeen weeraradaasi ka dhacay garoonka iyo xarunta tareenada.
Dowladda Belguim ayaa seddax maalin oo baroor diiq ah asteysay, waxaana ilaa beri xiran garoonka diyaaraddaha, xarumaha tareenada iyo iskuulada.
Tirada dhimashada ayaa kor usii kacday waxayna dadka gaarayaan 31 qof iyo dhaawaca wadarta guud oo ah 135 qof.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:42 and have
, Published at