daajis.com:- Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka Garacad iyo agagaarkiisa oo dagaal ku dhex marayay ciidamada Puntland kuwa Alshabaab ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu soo gabagaboobay kadib markii qeybtii ka hartay maleeshiyadii ay Shabaab ay galeen degaanada Galmudug.
Maleeshiyadii ALShabaab ayaa la xaqiijiyay inay galabta u gudbeen degaan dhinaca koonfur kaga beegan Aagga Moosil, iyagoo gudaha u galay deeganada hoostaga Galmudug.
Puntland ayaa shaacisay in dagaalkii Garacad ay ku dileen in ku dhow 100 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena ay ku qabteen maxaabiis dhan ilaa 50 oo u badan caruur. Halka ciidamada Puntland ay sheegatay in dhinacooda laga dilay 6 askari.
Madax ka tirsan Puntland ayaa tegay degaanka Dhinnooda oo maanta gelinkii hore ay ka gudbeen Al-shabaab waxayna halkaasi kula hadleen dadka degaankaasi, waxayna halkaasi uga dhawaaqeen in Alshabaab ay ka baxeen xuduudda maamulka Puntland.
Al-Shabaabka la sheegay inay galeen degaanada Galmudug ayaa u badan sarakiishi hoggaaminayay dagaaladii dhex maray Puntland iyo Shabaab iyo sidoo kale dagaalyahanada waaweyn ee Alshabaab, waxaan tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100 dagaalyahan iyo horjoogayaal waaweyn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at