Si Aad U Hesho Nolol Leh Dareen Fiican , Talaabooyinkaan Raac.

Si Aad U Hesho Nolol Leh Dareen Fiican , Talaabooyinkaan Raac.

daajis.com:-Waxaa laga yaabaa in aad xoogaa ka baqdo Jaceylka,jumladaan yar ee ka kooban 6-da xaraf aad ayay u fududahay ku dhawaaqisteeda balse taasi badalkeeda in aad hesho nolol leh shucuur jaceyl iyana ma aha arin sahlan .

Waxa qalbigaada ku jira ayaa kaa caawinaya in aad horay u socoto , hadaba daajis.com ayaa ku siineysa talo sahal ah kaliya raac si aad u hesho nolol leh dareen jaceyl oo aad u sareeya
* Jecloow Noloshaada : waa waddo ka mid ah wadooyinka kugu ridaya in aad hesho jaceyl joogto ah , jecloow naftaada oo aamin in aad mudan tahay in aad hesho waxa dunida ugu fiican , haddii aad arimahaan aaminto waxaa kuu furmaya wadooyinka nolosha kalgaceylka ee xanbaarsan dareemaha qurxoon .


* Dulqaadka Waa Furaha Guusha Jaceylka : haweeneyda waxaa u muhiimsan mar waliba in ay ahaato mid dulqaad badan marka la joogo jaceylka waayo taasi waxa uu si sahal ah ku geeynayaa qalbiga lamaanaheeda

* Saaxibtinimada Waa Biloowga Guusha: saaxib la noqo lamaanahaaga

* Noqo Qof Wax Curisa : mar waliba noqo qof wax curisa , ka yeel lamaanahaaga mid ku farxa wax waliba oo cusub oo aad sameeyso , waxa aad sameyneyso ka noqo macquul si uusan ugu qaadan in wax aad sameyneyso aad uga gon leedahay in aad ku hesho qanacsanaantiisa ,


* Raac Qalbigaada : jaceylka qalbiga ayaa ka mas`uul ah in qofka uu ku hogaamiyo halka ku haboon in uu aado , mararka qaar waxaa laga yaabaa in aad dareento in aadan awoodin in aad raacdo wadada qalbiga maxaa yeelay isama waafaqayaan waxa uu caqliga uu ku leeyahay , balse waxaad ogaataa hal arin taasi oo ah in qalbiga uu ku geeynayo wadada jaceylka halka caqliga uu ku geynayo wadada macquulka ah.

* Mar Waliba Ahaaw Qof Qurxoon : Si aad u hesho jaceylka iyo qadarinta ninkaada mar waliba ugu soo muuqo muuqaal qurxoon mar waliba.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada