Sidee Isu Jecleeysiiyaa Ninkeyga? Wey Sah Lan tahay waxaad sameeysaa 13-kaan Qodob.

Sidee Isu Jecleeysiiyaa Ninkeyga? Wey Sah Lan tahay waxaad sameeysaa 13-kaan Qodob.

daajis.com:-Waa su`aal in badan ku soo dhacda haweenka hadaba warbixintaan ayay daajis ku soo koobeysaa arimo yar oo ka yeeli kara ninkaada mid la dhalaalaya jaceylkaada .

>1- Isu qurxi ninkaada

>2- Ku soo dhaweey waji furnaan marka uu shaqada ka soo laabto oo waligaa haka hor taagan adiga oo waji macbuus ah oo dhoola cadeynta wehel ka dhigo.

>2- Ku soo dhaweey waji furnaan marka uu shaqada ka soo laabto oo waligaa haka hor taagan adiga oo waji macbuus ah oo dhoola cadeynta wehel ka dhigo.

>3-U ogaloow in caruurta ay ka hor tagaan balse ha iloobin in ay xeran yihiin labis kan ugu qurxoon .

>4- U ogaloow in si nasiino leh uu u qadeeyo hana kala sheekeysan waxa aad dooneyso ee ka wareeyso xaalkiisa maalintaas , inta cunada uu ku jiro ha iloobin erayada xod xodashada macaane iyo qaali .

5- U ogaloow in sariirta uu aado caruurta u sheeg isaga oo maqlaya in aabahood aysan dhibin ama aysan ka wel welin jiifkiisa.

>6- Marka sariirta uu tago ka daba tag oo faraha u juci muddo gaaban isla markaana si naxariis leh u weydii in uu doonayo in aad la joogto ama uu doonayo in kaligiis uu ahaado ka dibna si deg deg ah u fuli arintaas.

>7-Marka aadaanka uu dhaco si degan oo naxariis leh ugu kici salaadda iskuna day in sedex dhukansho wajigiisa ku qabato hana ka soo tagin illaa uu salaadda u soo kaco , ka dib u diyaari dharkiisa iyo weesada .

>8- Ka dib marka uu salaadda ka yimado u diyaari shaah una hagaaji meesha uu ka doonayo guriga , haddii uu yahay ragga isticmaal kumbiyuutarka halkaas ugu diyaari markaas la fariiso oo waxii aad dooneyso in aad weydiiso ku qabo .

>9-Haddii maalintaas ay tahay maalintii uu saaxibadiisa la bixi lahaa u diyaari dharkiisa kan ugu qurxoon kana codso dooqaada in uu xerto .

>10-Yuusan guriga imaan adiga oo hurda isku day in aad soo jeedo xittaa haddii aad u baahan tahay haddii ay dhacdo in hurdada kaa tan badiso waxaad jiifataa qolka fadhiga taasi oo u muujineysa in aad sugeyso , ha muujin xanaaq ama waji macbuusnimo adiga oo ka careysan dib u dhaciisa .

Ina adeereey xabad gili oo ninka taasi waxa ay ka yeeleysaa mid iloobaya waqtigii uu la soo qaatay saaxibadiisa isaga oo rajeynaya in mar dambe uusan guriga ka bixin .

>11- Haddii maalintaas aheyn maalmaha uu xaafadda ku nasanayo ka dib saaladda maqribka haddii ay kuu suura gasho u diyaari cabitaan iyo xoogaa mac macaan oo aad adiga sameysay xilligaasna waxaad kala sheekeysan kartaa xaaladda guriga iyo xoogaa baashaal iyo kaftanna waa uu jirayaa .

>12- Ka dib salaadda ceshaha u soo diyaari cunno ka duwan cunada habeenada kale u soo dhawaaw kana codso in uu kuu sheego waxa uu doonayo in uu kala hadlo ee mowduucayada guud haddii ay jiraan .

>13-Ogoow xasuusinta salaadda mar waliba waxa uu ninkaada ku beeraya kalgaceyl iyo naxariis.

Xasuusnoow daajis waxa ay ku leedahay maalmaha iyo todobaadyada ugu horeeya fulinta barnaamijkaan waa adag yahay balse mar waliba oo aad daasho soo xasuuso in aad dooneyso farxad gilinta saygaada arintaanina ay ka dhigeyso ninkaada in qaadim baari ah uu ku noqdo .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada