Sidee U Noqon Karaa Qof Kasbada Farxadda Guurka??

Sidee U Noqon Karaa Qof Kasbada Farxadda Guurka??

daajis.com:- farxada guurkaWaxaan mawduucan inoogu diyaariyay su’aalo badan oo la isoo waydiiyay oo khuseeya arimaha qoyska ayaa waxaan insha Allah isku dayayaa qof walba oo inaga mid ah sidii uga heli lahaa xalinta arinta haysata markaasna daaweenteeda ay gacantiisa noqon doonto insha allah iyo dhibaatooyin badan oo haysta qoyska soomaaliyeed.

Waxyaabo kugu saacidi kara in aad hesho farxadda rayn raynta iyo daganaanshaha guurka iyo guri barwaaqo oo isfahan iyo ixtiraam iyo kala dambayn ku salaysan.

1- Waxaad xasuusnataa inyar oo aad ka maqnaato xaaskaaga in ay adkaynayso xiisaha dhexdiina laakiin maqnaanshaha badan in uu keeni karo dhib aad u wayn.

2 – Waxaa weeyaan in aad si fiican u baratid dabeecadaha xaaskaaga ama ninkaaga ilaa aad ka baranayso dabeecadihiisa oo kaamil ah si aad ugula dhaqanto si wanaagsan barashada ma aha in aad ka cadhasiiso si aad u ogaato cadhadeda mana aha in aad ku kululaato si aad u ogaato waxyaabaha ay ka cadhooto waa in si xikmadaysan aad u barataa dabeecadahaas.

3 – Ha qarqarin wax idiin dhaxeeya oo ha ka qarsan sirahaaga hadii ay ogaato ama uu ogaado dhib aad u waynbaa ka dhalan karta ee ogoow taas.

4 – Iska ilaali in aad ka wada sheekaysataan waxyaaba hore oo tagay tusaale ahaan ( gabadh kuu doonaynd ama aad kala tagteen gabadh ku jeclayd sidoo kale nin ku jeclaa iyo nin aad kala tagteen iyo waxi tagay oo dhan ) mashaacirta qofka ayay aad u dhawacaysaa arintaasi .

5 – Ka fogoow in aad iska dhigto wax aad ahayn oo aad u matasho qofkaas aad doonayso in aad farxad kula nolaato ula dhaqan una sheeg sida ay xaladaadu tahay kula dhaqan dabeecadaada caadiga ah ee rabi kuu dhaliyay hana isku dayin in aad mucjiso iska dhigto khatar ah bari waxaad noqon waxaa tahay markaad xaqiiqadaada noqoto xaalku wuu murgi farxad iyo rayn rayna ma jiri doonto.

6 – U cabir xaaskaaga ama ninkaaga jacaylka aad u haysa intu leegyahay una sheeg markasta oo aad fursad u hesho hana ka caajisin.

7 – Ka ilaali naftaada is dhiibis iyo daciif nimo iyo xidh xidhnaan noqo mar walba qof waji fur furan oo faraxsan oo marka la arko farxad galiya qofka lamaanihiisa ah .

8 – Iska ilaali muranka badan iyo dooda joogtada ah .

9 – Mar walba isku day in aad maslaxada iyo wanaaga bilowdo oo aad iska saarto diiqada iyo cadhada hana ka dhigin in ay sii joogto cadhadaasi soona af jar oo xali mushkilada hala sugin bari iyo hadhow iyo hebel in tay ayna faraha ka bixin xali oo dhamee arinta ha is odhan gabadha muslimada ah ee somaliyeed ayaan intan ula jeedaa ha is odhan walaal asaga ayaa nin ah miyuu bilaabo asagu maslaxada oo afka ha buurin kiiskana ha iska sii waalin reerka daji oo bilow adigu maslaxaada iyo raali galinta qof walboona daji kan kale una dhibri xiliga cadhadiisa.

10 – Iska ilaali dadka was waaska wada iyo shakiga iyo shubuhaadka waxna ku qabso waxa waaqiciga ah ee jira ee aad indhahaaga ku aragto hana la sheekaysan dadka malaha iyo isku dirka iyo balaayada ka shaqeeya ku kalsonoow lamaanahaaga.

11 – Sii lamaanahaaga kalsooni buuxda naftiisa iyo taadaba kalsooni ku abuur adiguna noqo mid ku kalsoon doon doon oo raadi raali ahaanshiha lamaanahaaga.

12 – Ma anfacayso waxaan raadinayaa qof munaasab igu ah oo guurka igu farxad galiya hadii aad adiguba ahayn qof munaasab noqon kara guurkana farxad iyo guul ku wadi kara inta badan dadkeenu waxay raadiyaan qof quruxbadan diin leh dadnimo leh aqoon leh garasho leh nasab leh oo xariir ah qofku se asagu iskuma fiirsado oo qofka uu doonaayo in uu munaasab u yahay ma eego asagu in loo fiicnaado uu helo midka ugu fican wu jecelyahay se asagu kii la rabay ma aha cajiib iska ilaali taas.

13 – Nadaafada waxay ka mid tahay iimaanka daliilna waxay u tahay jacaylka,

14 – Ka tanaasul waxyaabo badan oo hanwaynidaadu ay rabto adigo ku raadinaaya jacayl iyo farxad kuna badal in aad ku raaxaysato waxa uu qofka aad jeceshahay jecelyahay .

15 – U roonoow oo ilaali lamaanahaaga sida aad naftaada u ilaaliso lana jecloow waxa aad naftaada la jeceshahay.

16 – Noqo mid wax bixiya oo waxna qaata waxaan ka wadaa noqo mid jecel waxuu asagu naftiisa la jecelyahay in uu siiyo lamaanihiisa kuna caawiyo wax walba oo uu heli karo oo farxad galinaysa ha noqon bakhayl asagu jecel wax walba in uu qaato waxna aan lala yeelan .

17 – Ninku waxuu doonayaa in ay xaaskiisu noqoto gabadha ugu wanaagsan dumarka wax walba oo ay qabanayso ayna noqoto mida ugu jecel dadka uguna dhibrinta iyo naxariista badan dumarkuna sido kale waxay doonayaan in uu ninkeedu noqdo nin ad adag oo la isku halayn karo dhamaysna tiri kara wax walba oo ay u baahato waxay sidoo kale dumarku jecelyihin in uu ninkeeda u noqoto gabadhii ugu dambaysay noloshiisa .
18 – Ha kula dag dagin lamanahaaga musiibo kasta oo dhacda waxaad u sheegayso kala gur oo kala saaf inta aad u bandhigin.



19 – U noloow maalinta aad ku jirto hana isku dilin murugada bari waxaad samaynayso ka hor eeg awoodaada inta aad balan qaadin.

20 – Wax walba oo aad qabanayso ka fakar inbadan una fiirso ma fiicna shalaynta iyo is ciil kaanbiga oo waxay lid ku tahay farxada iyo rayn raynta .

21 – Waxaad ku fakartaa yay noqon jacaylka aad u qabto uun lamaanahaaga ee ku fakar wax ka fog inkastoo ay muhiim aad ah tahay jacaylka nolosha guurka.

22 – U noqo tusaale iyo ku dayasho wacan lamaanahaaga.

23 – Ha ku dag dagin wax aad adigu khalad u aragto waxaa laga yabaa in uu lamaanahaagu u arko sax uuna kaa sax sanyahay.

24 – Ha siinin fursad ehelkaaga iyo jaarkaaga in ay soo galaan arimaha idiin dhaxeeya isku dayna in aad xaliso dhamaan mushkiladaha dhexdiina yimaada intii aad karto ee awoodaada ah.

25 – Waxaa lagama maar maan ah in aad guurka gasho adigoo masuuliyad qaadi kara oo qalbigaagu raali ku yahay naftaaduna ku dagantahay.

26 – Iska ilaali waxyaabaha ku keeni kara dhexdiina dhibaato iyo is maan dhaaf iskana ilaali in aad dhibto lamaanahaaga .

27 – La tasho oo wada sameeya waxyaabaha wan wanaagsan oo dhan waxay idiin noqonaysaa xasuus wanaagsan iyo jacayl farabadan iyo kalsooni buuxda caawi oo la shaqee ninkaaga ama xaaskaaga .iska ilaali somaalida dhaqankooda ah dumar lalama tashado (nin iyo naagti col iyo nabad midna ma aha maxay iska so dooneen hadii ayna col iyo nabad midna ahayn mid walba guribuu joogee)!!!!!!!!!!!!!!!!!.

28 – U sii fursad una ogoloow lamaanahaaga in uu ku cabiro naftiisa iyo shaqooyinkiisa oo ku dhiiri gali hana yaraysan waxyaabaha uu qabto ee ugu hambalyee kuna dhiiri gali wax walba oo wanagsan.

29 – U ilaali xaaskaaga gabadheey maalkiisa hana ku bixin meel aan munaasab ahayn hana dhayalsan arintaas ogoowna waa waxyaabaha ugu waa wayn ee la iskaga hor yimaado iguna maamul sidii uu kugu aaminay .

30
– Iska ilaali gabadheey asxaabtaada in ay soo dhex galaan arimaha idiin khaaska ah ayagoo ku soo hoos galaaya in ay kuu nasteexaynayaan iska ilaali oo u fiirso wax walba hana ku dhaqaaqin arimaha aad iskaga hor imaan kartaan oo idinku ridi kara khilaaf bur bur iyo kala tag .

31- Murugta iyo dhibaatada aad kaligaa xalin karto ha kula dag dagin hana murjin lamaanahaaga laakiin kula dag dag oo ka farxi marka ay farxadi jirto haba yaraatee.

32 – Isku day in aad qofka aad lamaanaha tihiin u sheegto wanaagiisa iyo qiimaha uu agtaada ka joogo iyo in aad ku raacday wanaagiisa raganimadiisa iyo kartidiisa in uu yahay qof agtaada aad uga qaali ah .

33 – Markasta oo khilaaf yimaado dhexdiina isku day in aad u xasuusato wanaagisii hore hana xasuusan xumaaniihisa waxay kugu beeraysaa xumaan aad u wayn waxadna ilaabaysaa wanaagiisa oo dhan.

34 – Waxaad naftaada waydiisaa si aad ugu gulaysataan noloshiina farxad iyo rayn rayn

waxyaabaha midba midka kale uu ka cajabiyay ? waa maxay waxyaabihii wan wanaagsanaa ee idin soo maray ? maxay tahay waxad wada qabsan kartaan oo farxadiina iyo rayn rayntiina kordhin karaa run ahaan?

Muxuu qof walba sameeyaa si uu u muujiyo inta ay xad leegtahay wanaajinta iyo ilaalinta kiina kale ?

Maxaa ku dareemi kartaa lamaanahaagu in uu ku jecelyahay ?

Maxay tahay waxyaabaha aad iskaga midka tihiin mustaqbalka oo ah hadafyadiina?.
35 – Iska ilaali in aad u isticmaasho lamaanahaaga waxyaabo xun xun sida cayda yaraysiga canaadka (goblan waxmatare , sirqo , tii ,kii , caruurta hooyadood, ciyaal aabihiin, odaygii meesha joogay, islaantii , I . W . M )waa arimo aan ka arkay dadka somaaliyeed ee ku dhaqan wadanka.

36 – Isku keena hadiyado waxyaabo qur quruxbadan oo ka farxin kara lamaanahaaga u soo qaada oo u keen si lama filaan ah Rasuulka csw ( waxuu yidhi isku hadiyeeya wax waad is jeclaanaysaan).

37 – Xaaska wanaagsan ee garashada leh waata garanaysa wakhtiyada ay ka dalban karto ee munaasabka ku ah ninkeeda waxyaabahay u baahantahay ama ay u baahanyihiin caruurteeda waa lagama maarmaan in aad wakhtigaas taqaan walaalo ku biloow amaanta iyo wanaagiisa iyo khayraadkiisa kuna xamdi allah ha noqdo wakhti munaasab ah kuna fakar ka hor inta aad hadlin .

38 – Isla waynida iska ilaali waa hadalada shaydaanka iyo ficilkiisa iska ilaali marka ay wax dhacaan in aad tidhaa (way tolaay aniga soo doontay aniga waxaan iskugu wacan waxaasbaan ahaa saasbaan ahaa saasbuu ahaan jiray aniga saan ku yeelay )waxyabahaas waa waxyabaha qalbiga ibn aadamka xumeeeya colaadana ku beera iska ilaali is daji mar walba oo shaydaanka iska naar waysayso oo tuko oo reerka cagta u dhig .

39 – Ha xaqirin hana yaraysan jiritaanka ninkaaga ama xaaskaaga iska ilaali ogowna jiritaanka guriga in uu mid walba oo idinka mid ah muhiim aad ah u yahay .

40 – Ha ka tagin hana ka cararin gurigaaga mushkilado iyo dhibaato darteed adigoo ka indha qarsanaaya cararka iyo ka tagida dab ololaaya in uu sii huro mooyee ma damo waxyar waad bixi kartaa si xaaladu u dagto hadii ay ka fuursan waydo ha ku dheeraan laakiin so noqo oo raali galinta bilow farxada reerkaagu gacantaada kama foga.

41 – Iska ilaali gabadheey in aad ku badiso suaasha ninkaaga oo aad doon doonto waxyaabo aan ku khusayn oo aan la rabin in aad ogaato ha ku cel celin si aanu dibada sirihiisa ugu sheegan kalsooni buuxda sii asaga ku sheegiye ka ilaali in uu diiqadoodo oo uu dhibsado guriga kadibna uu doon doonto meel kale oo uu ku nasto .

42 – U dhawoow ninkaaga oo ka ilaali cidlada yuuna dareemin cidlo iyo garab la aan dhinac walba ka caawi oo garab buuxa u noqo .

43 – Hadi aad tahay gabadh shaqaysa waxad ogataa masuuliyadaada koobad in ay tahay ta gurigaaga iyo ninkaaga isku day in aad is waafajiso kuna raali galiso ninkaaga wakhtiga shaqadaada iyo wakhtiga gurigaaga oo masuuliyadada kowbaad ah waa qalad guriga ayaan dayacayaa shaqona waan u roorayaa waa in aad is waafajisaa umuurtaada waa hawl ku taal .

44 – Ha noqon gabadh xun oo aan soo dhawayn ehelka ninkeeda soo dhawee oo waji furan iyo soo dhawayn wanaagsan sii ehelka ninkaaga noqona mid wanaajisa dadka soo siyaartay iyo ehelka .

45 – Wanaaji oo karaamee (Sodohdaa) uguna yeedh magacyada ay ugu jeceshahay hana isku dayin in aad khilaafto ama la dagaasho ogowna in ay tahay Hooyada macaan oo kale ayna jeclayn sida adigu aadna u jeclayn gabadha inankiinu in ay hooyada u tiro ama walaalka ay xumaysooo ay ku noqoto gabadh xun walaalka ayayna u jeclayn xaaska inankeedu in ay noqoto gabadh xun ogoow ma jeclid in hooyada lagu qayliyo la dhibo oo ay xumayso bahdisho xaaska walaalka waad ka dhimataa markaas waa Hooyada oo kale ee ogoow oo wanaaji una dhibri jecloowna , kuna amaan oo wanaag uga sheeg horteeda ninkaaga .

46 – Nabiga (csw) waxuu ku dar daarmay jaarka in loo asxaan falo la wanaajiyo la caawiyo oo lagala qayb galo dhamaan farxadooda iyo murugtoodaba waa mid diinteena iyo Nabigeena macaan uu inagula dar daarmay mar walba ogow.

47 – Muranka iyo hadalka badan waxu keenaa in ay is khilafaan qalbiyada isku day in aad muranka yarayso waxii lagama maar maan ah aad ka tanaasusho kuna waafaqdo lamaanahaaga yaadba ku qancine waxaadna ogataa in aad ku adeecayn qofna macsiyo allah swt xagiisa ah kuna adeec wax walba oo aan allah caasi ahayn oo diintaada meel kaga dhacayn isku day .

48 – Guriga in uu noqdo mid lagu nasan karo oo aan buuq iyo qaylo ahayn adigoo caruurtaada u soo iibinaaya wax ay ku cayraan oo ayagana raali galinaaya hadana kala ilaali wakhtiga raaxadiisa iyo cayaalka qayladooda iyo cayaartooda bar kuna bar baari arintaas ubadkaaga .

49 – Caruurtaadu waa nimco wayn oo allah kugu deeqay waa galad xaga eebe ah ha ka caajisin wanaajintooda xanaanayntoda iyo barbaarintooda wanaagsan waayo waxay ka mid tahay farxada iyo rayn raynta reerka.

50 – Baro oo dhigo sida ubadka loo xanaaneeyo sida loola tacaamulo waa in la bartaa si aad u hagaajisaan ubadkiina oo uu u noqdo mid toosan oo tusaale noqon kara fiican.

51 – U noqo lamaanahaga mid daacad ah wanaajintiisana ku raadso aakhiro wanaagsan .

52 – Ha ku cayaarin hana ka bad badin nimcada allah ku siiyay hana ku israafin ku xamdi ninkaagana uga mahad celi mar walba ha ilaabin taas.

53 – Farxadaadu yay noqon oo kali ah dhib raadin noqo mid mar walba xaliya dhibaatooyinka oo xal u hela markaasna bilaaba nolosha farxadeeda dhabta ah hadii kale waxay dhibaato wayn u keenaysaa cilaaqada ka dhaxaysa lamaanaha .

54 – Iska ilaali in aad isku dhacdaan oo la isku tiriyo ubadka hortiisa hadala dhaa dheer oo hortooda aad isku tidhaahdaan waayo wax walba way ka baranayaan oo idinka ayaa u ah indho iyo ku dayasho ubadka waa idinka waxayna dhibaatowayn u keenaysaa ilmaha iyo mustaqbalkiisa.

55 – Ha u ogolaan qof qudha in uu soo dhex galo noloshaada hana noqon adigu
mid keena oo uga sheekeeya waxyaabaha noloshiisa dadka saaxiib iyo ehel toona iska ilaali in aad arimaha noloshiina dibada u saartaan ee idiin sirta ah , waa in ayna soo dhaafin qolkiina dhib aad xaliseen iyo farxadiina iyo wax walba oo dhexdiina ah ka fiijignoow arintaas waa ta keenta bur burka iyo kala taga labada lamaane ( Farxadana suulisa).

Intaas waxaan ku soo gaba gabaynayaa waxyaabahaas qofku uu ku gaadhi karo farxad iyo rayn raynta guurka guri islaam oo wanaagsan oo ku dayasha mudana lagu dhisi karo noloshuna u sii socon karto ayadoo raali la kala yahay, laakiin ogoow intaas oo kali ah ma aha aadbay u fara badanyihiin waxyaabaha, laakiin intii allah iga qadaray intaasbaan ku soo gaba gabaynayaa insha allah intii wanaagsan waxay ka ahaatay xaga( Allah swt )intii ka so hadhay waa (aniga iyo shaydaan).

Waxaan akhriyay kutub badan oo ka hadlaysa arimaha guurka iyo rayn raynta guurka in yar oo nasteexo ah akhri walaal wax walba oo suurto gal ay tahay in aad akhrido maalin noloshaada u goo aad tagto maktabada aadna kororsato aqoon.
Tawfiiqda iyo wanaaga iyo mahadba Allah swt ayay u sugnaatay



Farduus A.rahman Ibraahim

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada