Sports:- Dagaalka masayrka ku salaysan oo kusoo badanaya cayaartooyda caalamka markaana waa Thibaut Courtois iyo..?

Sports:- Dagaalka masayrka ku salaysan oo kusoo badanaya cayaartooyda caalamka markaana waa Thibaut Courtois iyo..?

daajis.com:- Waxaa Sanadahaan iyo bilihii ugu dambeeyeyba kusoo badanayey cayaartooyda kubada cagta caalamka kuwooda ugu caansan isqab qabsiga ku aadan afaaraha Jacaylka iyo kala masayraka marka uu mid lasaaxiibo gabar cayaaryahan ay saaxiib yihiin horay ula socon jirtey taas oo marar badan soo dhacday.

Markaan waxaa dagaalkoodu soo ifbaxay oo uu qarsoomi waayey labada cayaaryahan ee u wada dheela xulka qaranka belgiumka ee lagu kala magacaabo Thibaut Courtois iyo Kevin De Bruyne kadib markii uu Cayaaryahanka Kevin De Bruyne uu soo bandhigay Jacaylka kala dhexeeya Gabar ay horay u wada socon jireen Goolhayaha Naadiga Chelsea ee Thibaut Courtois oo lagu magacaabo  Caroline Lijnen, oo ah gabar caan ah isla markaana ah kuwa dharka xayeysiiya.

Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa lasheegayaa in uu qarsan waayey Masayr uu kaqaaday wada socodka Saaxiibtiisii hore iyo Cayaaryahanka ay isku dalka yihiin ee  Kevin De Bruyne isaga oo waraysi uu siiyey Wargeys kasoo baxa dalkiisa uu ku sheegay in ay kala xanaaqsanaayeen Saaxiibtiis laakiin uusan weli karajo dhigin in kastoo kudhawaad 3 Sano ay kala maqnaayeen oo aysan isla hadlin.



Kevin De Bruyne ayaa isna kudoodaya in uu isagoo xushmeynaya Saaxiibkiis uu hada kahor weydiiyey waxa kadhexeeya isga iyo gabadha ay hada wada socdaan waxa uuna iigu jawaabay ayuu yiri waan kala harnay waxana nagama dhexeeyaan marka ma aha in uu hada igu cambaareeyo lasocodkeyga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada