Ugaar Ah Haweenka:- Haddii Aad Calamadahaan Ku Aragto Kuuma Qalmo Ee Ka Fogoow

Ugaar Ah Haweenka:- Haddii Aad Calamadahaan Ku Aragto Kuuma Qalmo Ee Ka Fogoow

daajis.com:-Muddo yar ka dib marka aad xariirka guur sameeyso ama inta lagu jiro mudada haasaawaha waxaa suura gal ah in aad dareento laba-labeyn ku aadan in xariirkaan uu noqonayo mid dhameytiran ama mid soo afjarma .

Hadaba daajis ayaa ku siineysa dhowr tilmaan oo aad ku qaadan karto go`aan , hadaba waxa ugu horeeya ayaa in aad ka eegto dhinacyadaan .

1- Haddii Aysan Jirin Wax Aad Wadaagtaan : waxaa suura gal ah in jir ahaan uu ku soo jiitay balse marka aad raadineyso wax yaabo aad wadaagtaan oo aadan ka heleyn ,yeesan kaliya ku xukumin dareemahaaga si aadan ugu dhicin xariir aan guuleysaneyn .

2- Haddii uusan tix gilineyn qoyskaada : kuma qasbana in ninka aad nolosha la wadaageyso uu jecel yahay qosykaada . balse waxa uu ku qasban yahay in uu tix giliyo , haddii qofka aad wax la wadaageyso uusan tix gilineyn qoyskaada , marka waxaad ku qasban tahay in aad kala doorato isaga iyo qoyskaada , ogoow waxaa kula gudboon in aadan dooran ninkaas oo aad raadsato nin qoyskaada tix gilinaya.


3- Ninka Isaga Is Jecel ( is mahdiyay) waxaa laga yabaa in aad u aragto in uu yahay nin qumman balse marka aad u dhawaato waxaad arkeysaa in uu yahay nin aad isu jecel in badanna buun buuniya naftiisa una arka dhamaan fikridihiisa kuwo saxan oo wax ku ool ah , waa adag tahay in ninka noocaan lala noolaado , maxaa yeelay lagama yaabo in fikirkaada uu qaato ama kula wadaago fikir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada