daajis.com:- Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab ayaa goor dhaweyd ka bilowday duleedka deegaan xeebaadka Garacad ee Gobalka Mudug, Waxaana dagaalku yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay saaka weerar ku qaadeen goobo ay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Badqada.
Goob-jooge ku sugan deegaanka ilfoocshe ayaa sheegay iney saaka maqlayaan madaafiic culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamada difaaca Puntland iyo dagaaalyahanada Al-Shabaab.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Punltland Cabdixakiim oo saaka ka hadlay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, kaasi oo ka socda Togga Suuj ee gobolka Nugaal, Wuxuuna sheegay inuu halkaasi ka dhacay dagaal, sidoo kalana ay Ciidamadii Weerarka soo qaaday Weli ku jiraan Togga SUUJ wuxuuna xusay inay adag tahay in laga saaro.
Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa sheegay in uu jiro Khasaare ilaa 3 askari oo Puntland, balse waxa uu geesta kale sheegay in ay dhanka kale ka dileen dagaalyahano cusub.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at