Waqtiga Ha Iska Lumin , 3-daan Arin Ragga Kaliya Filimada Ayay Ku Jilaan Ee Kama Heleysid Ninkaada .

Waqtiga Ha Iska Lumin , 3-daan Arin Ragga Kaliya Filimada Ayay Ku Jilaan Ee Kama Heleysid Ninkaada .

daajis.com:-Filimaanta Romantic ah ayaa door ka qaata in gabdhaha ay rajo beel ka qaadaan xariirka jaceyl iyadoo dhamaan wax waliba oo qalbigeeda jilicinaya ee dareemo ah ay ku jiraan shaashada Taleefishinka .

Mana arkeysid mana maqleysid arimahaas , waxa ayna daajis ku siineysaa xogta arintaas ee il gaar ah isaga yeelo hana ka filin ninka xariir wadaagga la tahay in aad ka heleysid .

1- Waxa Uu Ka Heesaa Daaqad Gudaheed : ka dib marka ay gabartu la dooddo xabiibkeeda , waxa ay habeenkaas ku dhameysataa oohin oo haddii ay jiraan fariimo jaceyl oo ay ka hayso dib ayayna u aqrisaa wax ayna rajeysaa in xaaladda sideedii hore ku soo noqoto .

Dhanka Filimada : loogama baahna intaas oo dhibaato ah , maxaa yeelay Actor-ka marka uu la doodo qofta uu jaceylka la jiliyo waxa uu la xariiraa koox Music garaacda markaas ayuu hees macaan oo jaceyl diyaarsadaa ka dib la taagaa guriga gabarta jaceylka uu filimka kula jilayo markaas ayuu daaqadeeda hees iyo music qag ugu siinayaa.

2- Waxa Uu Iska Idho Tiraa Haweenka Qurxoon Waxa Uuna Jecldaa Gabar Faqiir Ah Oo Dariskiisa Ah : meeqa qiso ayaan aragnay oo ku dhisan wiil dhalinyaro hantiile ah oo jeclaanaya gabar quruxdeeda iska dhex dhexaad tahay oo faqiir ah dan ka laheyn daryeelka Make Up-ka jirkeeda oo dhar aan qurxooneen xeraneysa .



3- Waxa Uu Leeyahay Dulqaad Xad Dhaaf Ah : Kaliya Filimada , Kaliya Filimada ayaad ku arkeysaa , ninka filimka jiliya waxa uu gudaha ku wata noole labaad oo shaqadiisu tahay sabar iyo dulqaad .

Sanado ayuu sugayaa si ay u jeclaato , saacado badan ayuu albaabkeeda taagnaanayaa isaga oo gacantiisa ku wada ubax ,mana hadlayo halka iyada ay u arkeyso qiyaanoole been loow ah .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada