Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Dalka Belgium-ka (VIDEO)

Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Dalka Belgium-ka (VIDEO)

daajis.com:- Wararka innaga soo gaaraya magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in qarax kale uu ka dhacay goob tareenada laga raaco oo kutaala magaalada Brussels.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo kutaala meel 400-meter oo kaliya u jirta xarunta midowga yurub ku leeyihiin magalaada Brussels, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro kala duwan.


Qaraxyadii maanta ka dhacay dalka Belgium-ka ayaa la ogaaday in qaraxii koowaad ee ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Zaventen kaasoo uu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, halaka kan ka dhacay gudaha Treenka aan weli la xaqiijin waxa uu yahay.
Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyootay qaraxii ka dhacay xarunta tareenada laga raaco waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, xaalada magaalada Brussels ayaan maanta ah mid aad u kacsan iyadoo dadkii ay la soo guboonaatay cabsi iyo wel-wel.

Xukuumadda Belgium-ka ayaa soo rogtay in gabi ahaan la xiro xarumaha laga raaco Tareenada, Basaska iyo Garoomada, iyadoona dadkii ay bilaabeen inay lugeeyaan, waxaana magaalada Brussels iyo magaalooyinka kale oo waaweyn ee dalkaasi lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka xaqiijiy.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada