Wararkii Ugu Danbeeyay:- Hubka culus oo wali la maqlaayo, Markab Dagaal oo ku biiray Dagaalka & Gurmad gaaray maleeshiyada la dagaalameysa Puntland

Wararkii Ugu Danbeeyay:- Hubka culus oo wali la maqlaayo, Markab Dagaal oo ku biiray Dagaalka & Gurmad gaaray maleeshiyada la dagaalameysa Puntland

daajis.com:- Dagaalka ka socda deegaanka Suuj ee Nugaal oo u dhaxeeya ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo koox loo malaynaayo inay yihiin Daacishta Somalia ayaa waxaa kasoo baxaya Faah faahin aan sal wanaagsan laheyn.

Maleeshiyaadkaani oo Garmaal illaa Suuj ku sugan, ayaa wali xili maqribkaani ridaaya Hubka Culus, waxaana lasoo warinayaa in maleeshiyada uu soo gaaray Gurmad si aad u hubeysan.

Maleeshiyaadka gurmadka ee soo gaaray ayaa la sheegayaa in badi ay goordhow ku uruureen buuraha Togga Suuj ayaa waxaa halkaasi ku duqeynaaya Ciidamo la socda Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka, kaasi oo jooga Xeebaha Puntland garabna siinaaya Ciidamada Puntland.

Waxaan wali joogsan Dagaalka, waxaana la maqlayaa Hubka daran-dooriga u dhacay oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.
Deegaanada uu ka socdo dagaalka waxaa jaran wali isgaarsiinta, waxaana adagg in la ogaado xaalada dagaalka.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne waxaa uu tilmaamay in goobta ay usoo socdaan ay joogaan ciidamada difaaca Puntland,kooxda ay maanta la dagaalamayaan ciidamada Puntland ayuu xusay inay yihiin kooxdii salaasada qabsaday deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Deegaanada uu ka socdo Dagaalka ayaa waxaan Caawa ku hoyaneynin dadka Deegaanka waxa ayna Cabsida ugu badan tahay in Caawa ay Maleeshiyadaasi u guureyso gudaha Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada