Weligaa Ma aragtay naag xaasle ah oo weli bikro ama virgin ah .

Weligaa Ma aragtay naag xaasle ah oo weli bikro ama virgin ah .

Isla habeenkii ugu horeeyey ee uu damcey in uu xaaskiisa u galmoodo. Si kasta oo uu isku dayaba wuu awoodi waayey in geedkiisa horey u galo farjigeeda. Muddo 4 saac kabadan ayuu kolba gabadha dhinac ka maraa oo isku dayey bal in uu mar uun horey geedkiisa u galo gudaha. Hase ka yaaabin, oo wuu awoodi waayey oo dhidid badan ayaa wejigiisa ka soo daatey isaga oo is leh “toloow maxaa jira, miyaan howl gabey” Fartuun oo la socota dhibka hasyta miskiin Maxamed ayaa iska seexatey iyada oo iska dhigtey war mooge. Nasiib daro Maxamed ma seexan, oo habeenkii ugu farxada badney ayaa waxey u noqotey habeenkii ugu naxdinata badneyd.

Fikir dheer iyo go’aan badan kadib ayuu Maxamed u qalab qaatey in uu shaqada ku guuleysto habeenkii labaad isaga oo is leh “war waa caadi in gabdhaha bikrada ah qaarkood ay aad u malaasan yihiin oo aanan ciyaar ciyaar lagu furi karin” Wuxuuse Maxamed noo sheegey in geedkiisa uusan weyneyn oo uu yar yahey balse uu awoodi jirey in uu horey u galo xaaskiisii hore oo iyada laftigeedu bikro aheyd markuu guursadey. Maxamed oo waxba weydiin Fartuun ayaa sariirta lawada aadey isaga oo  wadnaha sida tuug laqabtey u bood boodayaan, kana cabsi in mar labaad ku guul dareysto shaqada.

Shaqadii baa la guda galey, oo halka Fartuun kuba raaxeysaneyso waxa ninkeeda sameynayo maadaama ay sex ku cusub tahey, ayaa Maxamed isagu siddii habeenkii hore oo kale uu kolkba dhinac isku rog rogaa isaga oo siddii qof nafta ka baxeysa neefta tuuraya indhahiisa inuu kala furana diidey. Nasiib daro shaqadii guul daro ayey ku dhamaatey oo in geedkiisa hore u galo iska daaye xitaa biyihiisii baa lagu soo celiyey oo ma jiraan meel ay ka dusaan. Maxamed oo yaaban oo kala garan la’ in waxa uu sameynayo in ay tahey xaqiiq ama filim uu maskaxdiisa ka daawanyo ayaa iska seexdey habeenkaas.

Habeenba habeen ka danbeeya sidey shaqadu u socotey kuna guul dareysaney ayaa waxa uu go’aan ku gaarey in uu xaaska kala sheekeysto sida ay wax u jiraaan. Maadaama uu Maxamed ahaa nin wadaad ah ma uusan jecleyn in uu gabadha lugaheeda kala bixiyo oo uu si fiican bal u arko farjigeeda uuna ogaado waxa meesha ku dahaaran. Balse si kastaba xaalku ha ahaatee Fartuun wey uga sheekeysey wixii ku dhacey iyo sida xun ee loo gudey, kuna soo dhibtootey. Kolkuu sheekadaa maqley ayuu u naxey xaaskiisa isaga oo leh dhib ma leh oo waa alle amarkii.

Hadab sida la ogyahey Soomlida ceeb ayey u tahey oo nin iyo naagtiisa kama sheekeeyaan waxa ay sariirta ku sameeyaan, diinta Islaamkana ma ogola in waxaas laga sheekeeyo, balse runtii markii dhibaato xag caafimaad jirto waa caadi in dadka kugu dhow iyo takhaatiirtaba lala socodsiiyo si arinta wax looga qabto. Balse muddo hal sano ku dhow Maxamed iyo Fartuun wey is qabeen cid ay u sheegeen xitaa reerkooda ma jirin, oo dhaqtar ay aadaana iskaba daa! Fartuun weli siddii bey bikro ama virgin u tahey, Maxamedna geedkiisii wuuba ku daaley minadiisii ama biyihiisiina waxey noqdeen hal bacaad lagu lisey.

Maxamed iyo Fartuun wey isjecel yihiin oo sinaba iney u kala tagaan ma doonayaaan, balse Maxamed wax uu sameeyo wuu garan la’yahey. Waxa uu ku fakirey in uu iska furo una ogolaado iney saaxiibkiisa guursato mudo hal sano ah, kadib markii farjiga loo furo in uu saaxiibkiis iska furo gabdha kadibna ay iksu soo laabtaaan. Fartuun arintaas waxba kama qabto laaakiin marka hore arintaas diinta islaamka maxey ka qabtaaa? Marka labaad ma hubo in saaxiibkii, oo uusan weli u sheegin, in uu arintaas ka aqbalayo in uu furo gabdha kadib markii uu ku guuleysto shaqadii uu Maxamed ku holwgabey. Hadey caruur u dhashana kaba daran oo sinaba u furi maayo dhib la’aan.

Hadaba aqristayaasha sharafata leh, waxa uu Maxamed idinka codsanayaa inta uusan iskafurin ama dhaqtar u tegin, maxaad arintaas ka leedihiin. Marka hore ma maqasheen mase aragteen arintan oo kale in qof Soomaali ah oo ku dhacdey, hadey jirtnan sidey wax looga qabtey. Marka labaad maxey diinta Islaamka ka qabtaa in xaaska mudo gaaban la furo lana siiyo qof kale kadibna ay isku soo laabtaan mar danbe. Hadaba waad mahadsantihiin dhamaantiin waana idinka sugeynaa talo wacan iyo tusaale fiican. macsalaamo dhamaatiin. 
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada