daajis.com:- Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sidda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed ayaa maanta bilaawday dhageysigii koowaad ee eedeymaha loo heysto Xasan Xanafi Xaaji, kadib markii uu racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay afartii (4-tii) bishan Maarso Ku ridday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Dhageysigaa Makamadda ayaa waxaa ku suganaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Liibaan Cali Yaroow iyo Garsoorayaasha Maxkamadda.
Xasan Xanafi Xaaji ayaa ku eedeysan dambiyo la xiriira Dilalka Saxafiyiin Soomaaliyeed oo uu u maleegay faflal lagu Qaarajinayay, waxaana la sugayaa inay go’aan kama danbeys ah Maxkamadda Sare ka gaarto eedeymaha loo haysto Xasan Xanafi Xaaji.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at