9 NIN OO AY FIICANTAHAY INAAD SHUKAANSIGOOGA KA FOGAATO GABARYAHAY CALAFDOONKA AHI

9 NIN OO AY FIICANTAHAY INAAD SHUKAANSIGOOGA KA FOGAATO GABARYAHAY CALAFDOONKA AHI

daajis.com:- Ninka aan waxba kugu caawin aadna dareentid inaad u shaqeysid. Waa ninka jecel in asaga la dhowro oo had iyo goor laga wasaqdiisa la nadiifiyo sida ilmo laba jir ah .

2. Nin Lacag Jecel oo waxba kuu quudhin.
Nin had iyo goor kugula xisaabtama lacagta oo bakhiilka ah. Noloshiina waxaad ku qaadani inaad intaas ku murantaan dukaamada dhexdooda.

3. Cashadu waa maxay nin ah.
Nin doonaya inuusan jikada far ka fidin oo intaas raba cuntada iney diyaar u tahay miiskana loo soo saaro. Kawaran hadaad xanuunsatid ma kula tahay inuu shaah ku keeni karo.

4. Ninka Maalmaha hore Jaceylka uga egyahay
Ninka inta aad is baraneysaan jaceylka uga egyahay, oo kabacdi caajisnimo lasoo baxa iyo inuusan wax jaceyl ah ku tusin. Kasoo kale ayaa fiican in laga fogaado sababto ah 2 sano kabacdi dhagax ayuu isku badali oo ujeedadiisa waxay tahay naagey naag ma tahay.

5. Iga Bixi Biilka.
Nin maalmaha iskugu kiin horeysa ku weydista lacag ama cashada ka dalbada inaad ka bixisid, ka fogow kaas. Cashaan hadey saas ku bilaabato ogow waligeed saas ayey ahaani oo adiga ayaa wax kaste ka masuul noqonaya inaad bixisid. Nin waxa loo guursada inuu ku hogaamiyo ma ahan inaad adi xariga u qabatid.

6. Nin Ficil la’aan ah.
Nin wax kaste afka ka dhaha inuu ku samenaayo balse aan ficil laheyn. Wuxu ogaaday in gabadhaha hadalka la maqashiiyo oo kaliya aanan ficil la raacin.

7. 30-jiraa walina Hooyo lacagta telefoonka gacanta iga bixiso.
Nin hooyadiis wali gacanta ku heeso waligiis ma isku filnaanayo. Dabcan ma rabtid sodohdaada oo hadhow amarka gurigaga sameyn ku yeelata. Waa in ninku hooyadiis ka madax banaanyahay.

8. Nin mara ku dhag ah.
Nin xukun badan oo xata jecel in laga amar qaato hadaad musqusha galeysid. Halkee jirte iyo cadeyn keen nin intaas ka raba, ka carar.

9. Asxaabtada ma jecli.
Nin neceb asxaabtada, ogow saaxiib noloshada waad u baahantahay oo ha noqon mid asxabteeda u goysa ninka daradiis. Hadhow guriga kali ayaad ku noqon marku asaga asxaabtiisa aado.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada