daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa Deegaan ka tirsan Gobolada Jubbooyinka shalay gelinkii dambe waxa ay ku dileen nin u dhashay dalka Tanzania, kaasi oo ka mid ahaa Shabaab, balse ay ku eedeeyeen Shabaabka inuu ahaa Jaajuus.
Ninkaan oo la toogtay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa, waxa uu ku dhashay Magaalada Darussalam ee dalka Tanzania, waxaana da’diisa ay aheyd 27 sano jir.
Ninkaan ayaa ka mid ahaa Ururka Al Shabaab qaybta Jabhadaha, waxaana uu ahaa dadka Shabaabka ay u yaqaaniin (Muhaajiriin).
Al Shabaab ayaa sheegtay ninkaan inuu la shaqeynaayay Sirdoonka dalka Mareykanka oo uu lacago ka qaatay sida uu sheegay Qaadi ku dhawaaqayay xukunka dilka ah ee Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa lagu fuliyay.
Qaadiga ayaa sheegay Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa inuu maxkamada horteeda qiraal ka sameeyay, qiraalkaasi oo ku aadan inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ku sugan, uuna ka qaatay lacago dhowr mar.
Qaadiga ayaa ugu dambeyn sheegay xukunka Ciisa Jeymis Muwaaysiigaa inuu yahay dil toogasho ah, waxaana durbadiiba goobta lagu toogtay ninkaan u dhashay dalka Tanzania ee Shabaab Jaajuusnimada ay ku eedeeyeen.
Majirto cadeymo kale oo ka madaxbanaan hadalka Shabaab oo muujinaya ruuxa ay toogteen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka, balse waa markii ugu horeysay oo Shabaab ruux Ajnabi ah ah u toogteen arimo ku aadan Jaajuusnimo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at