Al-shabaab oo markale soo bandhigtay sawirada weerarkii Ceel-cade

Al-shabaab oo markale soo bandhigtay sawirada weerarkii Ceel-cade

daajis.com:- Warbaahinta Afka Al Shabab ku hadasha Ee Radio Andulus ayaa baahisay sawiro horu dhac ah oo ku saabsan weerarkii Al Shabab ay ku qaaden Saldhigii AMISOM ee Ceel cade,halkasi oo la aaminsan yahay in lagu dilay ku dhawaad 200 oo Kenyan ah.

Garabka warbaahinta Al Shabab ee loo yaqaano Al Kata’ib ayaa iyagana balan qaaday in dhawaan ay sii deyn doonan muqaalka weerarkii Ceel cade oo ay sheegen in lagu soo bandhigi doono Askar Kenyan ah oo weerarka lagu qabtay.

Al Shabab ayaa sheegatay in tiro ka badan 150 askari ay ku dileen weerarkii Ceel Cade oo dhacay 15 Bishii Janaayo ee sanadkan.

Dhinaca kale dowlada Kenya oo beenisay in tiradas looga dilay weerarka weli kama aysan hadlin tirada saxda ah ee weerarka uga geeriyootay,waxaana arintasi ka dhashay muran balaaran oo la xiriira khasaaraha rasmiga ee weerarka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada