daajis.com:- Afhayeenka Amisom Col Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhacdadii maanta ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanka Buulo mareer iyo Gol-weyn oo ciidankooda rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah kuna dhinteen afar ruux oo rayida.
Afhayeenka ayaa ka hadlay qaabka ay wax u dhaceen waxuuna inoo sheegay in ay aheyd meesha ay dhac dadani ka Dhacday meel cidlo ah ayna ka jirtay cabsi Amni.
“gaariga ayay ciidankeena la hadleen waxayna ku yiraahdeen istaag wuuna maqli waayay darawalkii gaariga waxayna u qaateen ciidankeena inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Amisom.
Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in hadda ay ku jiraan baaritaan la xariira sidii arintaasi ay u dhacday, ayna iska kaashan doonaa saraakiisha booliiska soomaaliyeed.
Ciidamada AMISOM ayaa howlgal ciidan ka wada deeganada Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay jidadka ugu galaan kooxda Al-shabab taas oo ku dhalisa ciidamada AMISOM marka ay waddooyinka socdaan in aan gawaarida dadweynaha ku soo dhawaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at