daajis.com:- Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay in ciidankooda iyo ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya oo wadajir ah ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo Shabaab ay saaka ku soo qaadeen.
Taliska Amisom ayaa Bartooda Twitter-ka waxa ay ku sheegeen inay fashiliyeen weerarkaasi oo saaka ay ciidamada Al Shabaabka ay ku qaadeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.
Amisom ma aysan bixin faah-faahin intaasi ka badan, balse waxa ay sheegtay Shabaabka inay doonayeen weerar inay ka geystaan Xarumaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom ee deegaanka Janaale.
Weerarkan ciidamada ay sheegeen inay fashiliyeen ayaa Shabaabka waxa ay saaka ku qaadeen deegaanka Janaale oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin.
Al Shabaab ayaa sanadkii tegey ee 2015-ka Bishii Sebtember waxa ay weerar culus ku qaadeen Xeradii ciidamada Amisom ay ku lahaayeen Deegaanka Janaale, halkaasi oo ay ku dileen Askar farabadan oo ciidamada Amisom ka tirsanaa.
Maamulka Deegaanka Janaale iyo Saraakiisha ciidamada Xooga Dalka ayaan weli ka hadlin weerarkan saaka ciidamada Wadajirka ah ay fashiliyeen.
Al Shabaab ayaa sanadkii hore waxa ay bilaawday inay weerarto Xarumaha Ciidamada Amisom, iyagoona u adeegsada inay Weerar Gaadmo ah oo is qarxin ah ku bilaabaan, ka dibna dagaal fool ka fool ah la galaan ciidamada goobahaasi ku sugan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at