Ciidamada Barre Hiiraale oo la geeyay Kismaayo laguna wareejiyay..

Ciidamada Barre Hiiraale oo la geeyay Kismaayo laguna wareejiyay..

daajis.com:- Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidan gaaraya 50 askari oo hubeysan, kuwaas oo raacsanaa Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) maanta lagu wareejiyey ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Ethiopia.

Ciidankan ayaa ku sugnaa deegaanka Sabca Ashraaf ee gobolka Jubadda Hoose.

Wareejinta maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa qeyb ka ahayd heshiis dhawaan laga gaaray muranka Jubbooyinka oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA-da ee Jubbooyinka oo goobta wareejinta ku sugnaa, waxa muran uu ka dhashay cidda lagu wareejinayao iyo waxa laga yeelayo maleeshiyadan 50-ka gaaraya.
Muranka ayaa u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ee AMISOM ka wada tirsan, iyada oo ugu dambeyntiina kuwa Ethiopia lagu wareejiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada