daajis.com:- Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa maanta mar kale si nabad ah ula wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay gacan ku heynteeda isu badbadalayeen Shabaab iyo ciidamada dowladda oo taageera ka helayay AMISOM.
Guddoomiyaha deegaanka Janaale C/raxmaan Yuusuf C/nuur ayaa sheegay in ciidamada aanay wax iska caabin la kulmin, intii ay la wareegayeen, iyadoo Al-Shabaab isaga baxday deegaanka.
Waxaa uu sheegay in labo jiho ay ka galeen deegaanka Janaale, xaalada ay tahay mid wanaagsan, waxaana dadka shacabka ah uu ugu baaqay inay is dejiyaan.
4-tii bishan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Janaale, hase ahaatee dib ayay isaga soo baxeen.
Tan iyo markii Al-Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale bishii September ee sanadkii hore ayaa xaalada deegaankaas aheyn mid aan deganeyn oo dadka deegaanka ay wal wal ka qabeen degenaansha la’aanta deegaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:38 and have
, Published at