daajis.com:- Hay’adda xuquuqal insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay inay hayso caddaymo cusub oo muujinaya waxa ay ku tilmaantay dilal wadareed ay ciidanka Nigeria ka gaysteen sannadkii hore magaalada woqooyiga ku taallla ee Zaria.
Laakiin af-hayeen u hadlay milatariga ayaa yidhi warbixintu ma dheeli tirna.
Hay’adu waxay sheegtay in goob-joogayaal ay sharaxaad ka bixiyeen sida ciidammada dawladda ay noolasha ugu gubeen una toogteen caruur shiica ah.
Amnesty waaxay aaminsantahay in ka badan 300 oo qof ay ciidammada dileen, iskuna dayeen in ay qiriyaan caddaymaha k marag furaya tacaddiyadaasi.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:00 and have
, Published at