Ciidamada Nisa oo Gacanta ku Soo Dhigay Sarkaal katirsan Ururka Al Shabaab

Ciidamada Nisa oo Gacanta ku Soo Dhigay Sarkaal katirsan Ururka Al Shabaab

daajis.com:- Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxay xalay Gacanta ku dhigeen Sargaal sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab kaas oo in muddo ah laga raadinayay gudaha Magaalada Muqdisho..

Howlgal Ciidanka NISA ay ka fuliyeen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay sargaalkan lagu Magacaabo Xasan Fanax kaas oo ka mid ah Hogaamiye waaxeedyada Ururrka Al Shabaab.


Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay gacanta ku soo dhigeen Xasan Fanax kaas oo mudooyinkan danbe ku dhuumaalaysanayay  Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Afhayeen Xalane ayaa intaa ku daray in Xasan Fanax uu ka mid yahay Saraakiil Shabaab ah oo Madaxiisa Dowladda Soomaaliya ay dul dhigtay Lacag, kaas oo Ciidamadu in mudo ah ku raad joogey goobaha uu ku dhuumaalysto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada