Ciidamada NISA oo qabtay gaari miineysan oo lagu qarxi rabay maqaayad caan ah

Ciidamada NISA oo qabtay gaari miineysan oo lagu qarxi rabay maqaayad caan ah

daajis.com:- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugida qaranka ay qabteen baabuur kuwa raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa gudaha magaalada Muqdisho.

War lagu qoray warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidanka NISA qaadeen maanta ay ku qabteen laba baabuur oo mid ka mid ahi ay ka buuxeen aaladaha qarxo, halka baabuurka kalana ay la socdeen koox hubeysan oo damacsanaa in ay weerar qorsheysan ka geystaan Muqdisho.

Bartilmaameedka baabuurka iyo maleeshiyaadka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ugu caansan xaafada Zoobe ee magaalada Muqdisho. Warka waxa uu intaasi ku darayaa in gaariga qaraxu saarnaa uu qorshuhu ahaa inuu weerarka bilaabo halka kooxda dableyda ah ee saarneyd gaariga kale ay damacsanaayeen in ay lugta ku galaan kadibna laayaan dadka ku sugan maqaayada.
Wali warar faah faahsan oo arrintan ku saabsan kama aysan soo bixin Dowlada, hase yeeshee waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in ay war kasoo saarto Hey’ada nabdsugida qaranka oo howlgalkani fulisay.

Aad ayey u yartahay in ciidamada Dowlada ay sidaan oo kale u fashiliyaan howlgalada qorsheysan ee ay soo maleegaan Al Shabab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada