Daawo:- AMISOM oo dad hal qoys ah kasoo wada jeeda ku xasuuqay Buula Mareer

Daawo:- AMISOM oo dad hal qoys ah kasoo wada jeeda ku xasuuqay Buula Mareer

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan AMISOM ay maanta xasuuq ka geystay deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay rasaas huwayeen gaari ay la socdeen dad hal qoys kasoo jeeda oo kusoo socday magaalada Muqdisho.

Afar qof ayay ku dileen ciidamada AMISOM, gaari nooca Suzuki ah oo ay dadkaasi la soceen kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay.


  • Maxamuud Macallim (Jeerow)
  •  Cabdiwaaxid Macallim oo  walaalo ahaa
  • Hooyadood iyo gabar uu dhalay Maxamuud Macalin
  • Dadka deegaanka ee ka carooday falkan dilka ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM ayaa banaan bax ay uga soo horjeedeen AMISOM ka dhigay deegaanka Buulo Mareer.


Taliska ciidamada AMISOM, ayaa ilaa weli wax war ah kasoo bixin oo ku aadan falkaan xasuuqa ah ay ka geysteen Buulomareer. mana ahan markii ugu horeysay ee dad shacab ah laayaan, sanad ka hor ayay aheyd markii dad shacab oo isku qoys ahaa ku xasuuqeen magaalada Marka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada