Daawo:- Beeralayda Balcad iyo Afgoye oo sheegay inay dayactirayaan biyo xireenka Sabuun

Daawo:- Beeralayda Balcad iyo Afgoye oo sheegay inay dayactirayaan biyo xireenka Sabuun

daajis.com:- Guddiga beeralayda Afgoye iyo Balcad ayaa dhowaan kulan ay yeesheen waxa ay ku go’aansadeen inay dayactir ku sameeyaan biyo xireenka Sabuun iyagoo booqday halka biyo xireenkaas uu wabiga ugaga soo daro biyaha lagu keydiyo ee deegaanka Xawaadley.

Beeralaydan oo  soo saarta inta badan khudaarta iyo geed miroodka laga cuno magaalada Muqdisho ayaa waxa saameyn ku yeeshay wax soo saarka beerahooda muddo bil ah oo uu guray wabiga Shabelle.

Xaaji Naasir Cali Axmed oo ka mid ah Ururka ay ku mideysan yihiin Beeraleeyda labada Shabeelle ayaa sheegay in in beeraleeyda labada gobal oo Iskaashanaya ay dib u dayactir ku sameynayaan Biyo-Xireenkii hore ee Keydka Biyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Beeraleeyda labada gobal ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose Xasan Barkhadle Wardheere ayaa ugu baaqay beeraleeyda Soomaaliyeed in ay ay isku tashadaan oo ay gacmaha hoorsan.

Ururka beeralayda labada gobol ayaa dhowaan  waxa ay dayactir ku sameeyeen biyo xireenka Balcad iyagoo ka faa’ideystay mudadii koobneyd oo uu wabigu qalalnaa sida uu soo sheegay weriyaha jowhar.com ee magaalada Balcad.

Beeralayda ku waraabta wabiga Shabelle ee degmooyinka Balcad iyo Afgoye ayaa neef weyn ka soo fuqday kadib markii ay soo gaareen biyaha wabiga Shabelle.

Saaka ayaa beeralayda waxa ay ku soo baraarugeen iyadoo wabiga uu biyo keenay iyadoo xalay magaalada Balcad aan laga seexan iyagoo dadku ay sugayeen imaanshaha wabiga.

Biyo Xireenka Sabuun oo u ahaa keyd beeralayda gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa burbur waxaa ka soo gaaray labaatankii sano ee la soo dhaafay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada