Daawo:- Hogaamiyaasha dalalka Muslimka oo ku kulmaya magaalada Istanbul

Daawo:- Hogaamiyaasha dalalka Muslimka oo ku kulmaya magaalada Istanbul

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa martigelinaya inkabadan soddon hogaamiye oo ka socda wadamada Muslimka ah iyadoo shirweyne 2 maalmood soconaya uu ugaga furmay magaalada Istanbul.

Madaxda ka qeybgalaysa shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Sacudi Carabiya  Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo Madaxweynaha dalka Iran President Hassan Rouhani, iyadoo labada dal ay la kala safteen dhinacyada isaga soo horjeeda dalalka Syria iyo Yemen.

Dowlada Turkiga ayaa dooneysa in kulankan ay ku yareyso kala duwanaanta ka jirta wadamada Muslimka ee lagu qiyaaso dadk ku nool 1.7 billion. Hase yeeshee kulankan ayaa waxaa hareeyay khilaafyada ka jira wadamada Siiriya iyo Yemen.

Kulankan oo lagu qabanayo magaaladii xilligii Cusmaaniyiinta xarun u ahayd waxayna magaaladan ahayd meel qarniyaal laga maamulayay wadamo fidsan Balkaniska illaa iyo Qaliijka.

Hase yeeshee kulankan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeyb galin hogaamiyaal ay ka mid yihiin Boqor Abdallaha Jordan iyo Madaxweynaha Masar el-Sisi.

 Joogitaanka kulanka ee boqor Salmaan ayaa caddeyn kale u ah xiriirka sii diiranaanaya ee u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudiga. Xiriirka labada dhinac ayaa hormaray markii Salman uu dhaxlay boqortooyada Sacuudiga, sanadkii tagay.

Hogaamiyaha dalka Turkiga ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ankara boqorka Sacudi Carabiya waxaana uu guddoonsiiyay billada ugu muhiimsan dalka Turkiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada