DAAWO: Isbadelka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose

DAAWO: Isbadelka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan maamulka gobalka ayaa booqasho maalmo qaadatay ku jooga magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo La kulmay qeybaha bulshada ayaa sheegay in dhawaan dowlad gobaleedka Koofur Galbeed ay magaalada ka hirgalineyso adeegyadii danta guud si maamulka uu ugu howlgalo caasimadda loo Asteeyay Dowlad gobaleedka Koofur Galbeed oo ah Baraawi.



Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisayo garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawi si ay u fududaadan howlaha dhinaca duulimaadka ee lagama maarmaanka u ah bulshada ku nool magaaladaasi.

Baraawe waa magaalo Qaddiimi ah, waxa uu dhaqaalaheeda ku tiirsanyahay waxa soo saarka Badda iyadoo leh Deked ay ku soo xirtaan doomaha ganacsiga.
Sidoo kale Suuqa Degmada Baraawe oo dhaq dhaqaaqyo ganacsi ay ka jiraan, ayaa waxaa loo iib geeyaa ganacsiyada kala duwan ee laga qaado suuqyada magaalooyinka dalka iyo weliba dalagyada ka soo go’a beeraha Gobolkaasi Shabellaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada