daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shil iska caadi ah, oo fooda ay is dareen gaari qof shacab ah iyo mid kale oo ajaaniib ay saarnaayeen, ilaaladoodana ahaa kuwo ay leedahay shirkad amaanka ajaaniibta qaabilsan.
Arinta yaabka leh ayaa waxay aheyd in markii shilku uu dhacay dadkii ka ag dhawaa ay kala carareen, iyagoo u maleynayay gaariga shilka sameeyay inuu is qarxin rabay, waxaana meeshii lagu kala yaacay aysan is dayin dadkii isla joogay.
Ilaalada gaariga ajaaniibta saarnaa oo si xirfadeysan ayey dhulka ugu soo daadeen iyagoo wax rasaas ah ridin, daqiiqad gudahoodna ku hubiyeen waxii dhacay in ay aheyd shil iska caadi ah.
Darawalkii gaariga shicibka ayaa ku andacooday inuu ka argagaxay hubka iyo gaadiidka isdaba yiilay, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.
Oday goobta joogay ayaa yiri “Cabdibile ciidan wato haduu ahaan lahaa, xabbado ayaa qasaare badan keeni lahaa ayaa dhici lahaa, wiilasha yar yar ee ciidanka ah wax hubiye lama dhihin ee waxaa la yiri yaan lagaaga hormarin.”.
Dadka Muqdisho ayaa mar walba dhegta u taagan, waxayna ku jiraan feejignaan iyagoo ka cabsi qaba qarax ka ag dhaco oo waxyeelo kasoo gaara.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at