daajis.com:- Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay markii ugu horeysay ay ku guuleysatay tijaabinta Gantaal nooca ridada dheer ah oo laga tuuray Markab nooca Gujiska ah ee badda hoosteeda quusa.
Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar geliyey tijaabinta hubkooda culus sida nukliyeerka iyo gantaalada ridada dheer.
Waa markii labaad oo uu dalkaasi Tijaabinayo gantaalada laga tuuro Markiibta Gujis ah, iyadoo tijaabadii isbuucii hore aysan Saynisyahanada dalkaasi u suurto galin inay ku guulaystaan .
Qorshaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ah inay hesho Sadexda awoodood ee hubka Nukliyeerka ee kala ah gantaalada laga ridi karo maraakiibta gaar ahaan Gujiska bada quusa, Gaadiidka xambaara gantaalada iyo Gantaalada laga rido dhanka beriga. Sadexdan quwadood ayaa ah mid ka difaaci karta weeraro kadis ah oo uga yimaada dhanka dalka Maraykanka iyo kuuriyada Koonfureed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at