Daawo Layaabka:- Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa nin aad u dheer.

Daawo Layaabka:- Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa nin aad u dheer.

daajis.com:- Tomas Pustina oo u dhashay dalka Jeek (Czech Republic) ayaa geeriyooday, kadib, markii uu wadnuhu joogsaday xilli uu hurdayey.

Ninkaasi oo 38 jir ah waxa uu ka mid ahaa ragga ugu dheer Caalamka, wuxuuna dhererkiisu dhamaa 7 cagood iyo 4.2 hiish (7 ft, 4.2 inches).

Boliska Dab-damiska ayaa iska kaashaday sidii ay maydka ninkaasi oo aad u cuslaa uga soo saari lahaayeen dhismaha Dabaqa Kowaad ee uu ka deganaa Degmadda Roskos ee Bartamaha dalka Czech Republic.

Qoysaska ninkaasi waxaa loo sheegay in dib loo dhigay aasakiisa, kadib, markii ay Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa  ninkaasi.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in loo sameeyo Naxash cabirkiisa leh, loona qodo Qabri aad uga dheer kuwa dadka caadiga lagu aaso.

Maareeyaha Qabuuraha Deegaanka, Martin Malesh ayaa sheegay inay dhibaato tahay si lagu helo qabri ku filan Maydka, maadaama qariga caadiga dhererkoodu yahay 220 cm (Sentinmitir) ama 86.6 inches.

Iveta Zackova oo la dhalatay Marxuumka geeriyooday ayaa u sheegtay Wargeyska The Czech national newspaper ee Blesk inuu Walaalkeeda geeriyooday isagoo si nabad ah u hurda. Waxaa istaagay Wadnihiisa.

Waxay intaasi ku dartay inay iyada iyo saaxiibadiisa ugu dhawaa aasi doono Isbuuca soo socda.

Josef Seerad oo deris la ah qoyskaasi ayaa sheegay inuu Tomas Pustina ahaa wiil caadi ah ilaa uu ka soo gaaray da’da 14-ka, kolkaasi oo jirkiisa bilaabay inuu si dhaqso leh u koro, una dheeraada.
Marxuumka geeriyooday ee Tomas Pustina waxa uu ahaa Ninka ugu dheer Jamhuuriyadda Jeek (He was Czech Republic’s tallest man).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada