DAAWO: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay Sababtii uu U Saxiixay Heshiiskii 4.5-Ka (VIDEO)

DAAWO: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay Sababtii uu U Saxiixay Heshiiskii 4.5-Ka (VIDEO)

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamulka Puntland, mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay saxiixii Nidaanka 4.5-ka iyo sababaha ku kalifay in Puntiland ay xiligan aqabasho in wax lagu doorto Nidaamka qabaa’iliga ah.

Waxana uu sheegay Madaxweynaha in aqabalaada Nidaamka 4.5 in ay ka dambeysay kadib markii ay u soo baxday sadax arin midkood oo ay kamid tahay in Soomaaliya inteeda kale ka go’aan hadii aysan aqbalin in doorashada Soomaaliya lagu saleeyo Nidaaka 4.5-ka.


Wuxuuna yiri. “Waxaaan rabaa in aan idin cadeeyo sadax arimood oo Puntiland ku qasbay in ay aqbasho Nidaamka 4.5, waa mida koowaad in aan ka go’no Soomaaliya inteeda kale , mida labaad in aan ka harno afarta sano ee soo socota geedi socodka Doorashooyinka Soomaaliya iyo mida ugu danbeysa oo ahayd in aan galno heshiis u cuntama maamulka iyo dadka reer Puntiland kuna badalano aqbalaada 4.5-ka.”

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay dedaal dheer u galeen heshiiska, islamarkaana ay matalaad shacab oo dhab ah sameeyeen, Puntlandna ay go’aansatay inay qaadato qodobka ah in Dowladda Federaalka ah la galaan heshiis bur-burin kara diidamada 4.5ka.
Dr. Gaas ayaa sheegay in Puntland aysan Soomaaliya inteeda kale ka go’i karin, sidaa darteedna ay muhiim noqotay heshiiska la gaaray, beesha caalamka ayuu tilmaamay inay aqoonsadeen kaalinta Puntland kaga jirto Soomaaliya inteeda kale.

Heshiiskii ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland ayaa u muuqday mid Puntiland aqbalaada nidamaka 4.5 ay ku badalatay shuruudo badan oo dani ay ugu jirto maamulka Puntiland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada