Daawo:- Muqdisho oo laga xusay 12-ka April sanadguuradii 56-aad ee ciidamada xoogga dalka

Daawo:- Muqdisho oo laga xusay 12-ka April sanadguuradii 56-aad ee ciidamada xoogga dalka

daajis.com:- Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo loogu dabaal degayay xuska sanadguuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiiradda, taliyeyaasha ciidamada iyo diblumaasiyiinta ku sugan Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa munaasabada kusoo bandhigay gaardi ka ciyaar iyo dhoolatus ay ku muujinayeen cududooda, waxaana salaan sharaf ka qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u diray guud ahaan ciidamada xoogga dalka, isagoo ugu hambalyeeyay sanadguuradii 56-aad ee markii dhidibada loo taagay. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay muujiyaan dadaal iyo karti ay dadkooda wax ugu qabtaan.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed waxaa la asaasay 12 Aprile 1960, waxuuna ka koobnaa xiligaasi ciidamada lugta, bada iyo cirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada