Daawo: Obama oo xaqiijiyay Jabka ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab (Video)

Daawo: Obama oo xaqiijiyay Jabka ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab (Video)

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa ka hadlay Howlgalo ay Diyaaradaha Mareykanka iyo Ciidamada Kumaan-dooska ka fuliyeen wadamo ay koow ka tahay Somalia.

Brack Obama, waxa uu sheegay in Howlgalada ay fuliyeen Diyaaradahaasi iyo Ciidamada Kumaan-dooska ay soo hoyiyeen guulo taariikhi ah, waxa uuna tilmaamay in sidii loogu tallo galay ay u dhaceen.

Brack Obama, waxa uu tilmaamay in Howlgalada ay ahaayen kuwo u badnaa Somalia iyo qeybo kamid ah dalka Syria, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mudada kooban ay howlgalada socdeen aanu jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray Diyaaradaha iyo Ciidamadii howlgalka fulinaayay, isaga oo sheegay in lagu dilay Hogaamiyayaal dhowr ah islamarkaana Miisaan ku dhex lahaa Al-shabaab iyo Daacish-ta Ciraaq.



Isagoo ka hadlayay Xarunta Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa waxa uu Madaxweyne Obama qeexay in ay sii wadi doonaan duqeymaha lagu beegsanayo Hogaamiyeyaasha sare ee Xagjiriinta Al- shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada