Daawo: P/land Iyo S-land oo dhaqaalihii Ugu badnaa Buuhodle geliyey & Xubno Xoreynta fashilinteeda lagac lagu siiyey

Daawo: P/land Iyo S-land oo dhaqaalihii Ugu badnaa Buuhodle geliyey & Xubno Xoreynta fashilinteeda lagac lagu siiyey

daajis.com:- Xubno sheegtay saraakiil balse u badan wakiilo si hoose iyo sicadba ula shaqeeya maamulada hareeraha ee cadowga ah, xubnahan oo hadalkoodu isugu jiro cabasho iyo af wax cuney, mar waxay ka cabanayaan ciidanka la sameeyey oo ay sheegeen inaan waxba laga weydiin cidna. Waxayna ula jeedaan inaan ayaga dhaqaalo la siin, balse horey ayaa loola shiray sida Madaxweynuhu sheegay isla markaana waa diideen xoreynta,

xalay waxaa soo galay magaalada Buuhoodle xubno ka socda Garoowe lacag laga soo aruuriyey Hargaysa iyo garoowe, waxana dhaqaalahani qaybtiisii hore gaadhay xubnahan halka tan kalena ku wajahan tahay Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka.

Xubnahan oo ayaa sidoo kale ciidanka dhaliilay, kuwaasoo jiida hore taagan, xubnahan oo Afweyne hormuud u yahay, ayaa sidoo kale waxa ay u yeedheen warbaahinta cadowga ah. Xubnaha hadlay waxa ku jirey ninkii dhawaan duubay codkii Madaxweynaha ee u gudbiyey sirdoonka Hargaysa.


Lacagta oo dhan 8,000$ taasoo uu sida nin qaraabo dhaw la ah Xaglatoosiye iyo Baabul Camey, ayaa xalay qaybiyey lacagtan, waxayna u qaybiyeen xubanahan qaaqlayaasha ah.

Kooxdan ayaa doonaysa inay dhaqaalo ka wada heleen Qurbajoogta Khaatumo, maamulka Hargaysa iyo kan Garoowe ee labaduba cadowga soojireenka ah u ah umadda reer Khaatumo, ayagoo doonaya inay shilinkasta afka u dhigtaan.

“Markii hore waxay ku doodayeen ciidan muu dhiso madaxwaynaha, Markii uu bilaabay ayay hadana meel kale uga Hilaacday, Waa iska caadi in aan aragno Dulmanayaal naftooda danbi kagalaya oo Magaca innala wadaaga”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada