Daawo: Puntland oo ku guulaysatay in Xilkii Safiir-nimo Laga qaado XAASKA Madaxwaynaha Galmudug +(Warbxin)

Daawo: Puntland oo ku guulaysatay in Xilkii Safiir-nimo Laga qaado XAASKA Madaxwaynaha Galmudug +(Warbxin)

daajis.com:-  Puntland Cabdiweli Gaas iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku guuleeystay in si degdega xilka qaadis loogu sameeyo Xaaska Madaxweynaha Galmudug oo aheyd Safiirka Somalia u fadhiyay dalka Ciraaq.

Madaxweyne Xasan ayaa xilka qaadis degdega ku sameeyay Khadiijo Makhsoumi kadib markii ay Dekadda Hobyo geeysay wafdi uu ka mid ahaay Ra’isulwasaarahii hore ee Ciraaq Ilyad Calawi iyo Xildhibaano Ciraaqiyiina kuwaas oo sheegay iney maalgelinayaan dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.

Ra’isulwasaare Cumar ayaa Madaxweyne Xasan u sheegay inuusan Madaxweynaha Puntland aqbaleyn 4.5 haddii uusan si degdega u eryin Xaaska Cabdikariim Xuseen Guled,wuxuu kale oo Ra’isulwasaaraha sheegay in wafdiga ay geeysay Hobyo ay aad uga carootay Boqortooyadda Saudi Arabia.

Ra’isulwasaaraha ayaa si degdega golaha Wasiiradda u horgeeyay Safiirkii hore ee Rwanda Mr Abdullahi Hassan oo u dhashay beesha Biyamaal,iyadoo markiiba uu Madaxweynaha u magacaabay Safiirka Somalia u fadhin doono Ciraaq.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guled ayaa horey u booqday Ciraaq iyadoo la siiyay lacag dhan Nus Milyan dollar hasse yeeshee xanta ugu badan Galmudug iyo Muqdisho waxeey noqotay sida Masiirkii shacabka Galmudug loogu aaminay qof difaacan waayay xilkii xaaskiisa ku magacaawneed iyo Dowladii uu heshiiska kula galay iney dhisaan Dekadda Hobyo.

MUUQAAL WAFDIGA CIRAAQ IYO MD. GALMUDUG EE HOBYO BOOQDAY


Sikastaba ha ahaatee ,Puntland waxeey muujisay awood dheeriya iyadoo ku guuleeysatay iney rajadii laga qabay dhismaha Dekadda Hobyo meesha ka saarto maadama haddii la dhiso Hobyo ay sababi karto hoos dhac wajaha Dekadda Boosaaso ee Maamulka Puntland ka helo dhaqaalaha ugu badan ee maareeynta hoowlahooda maamul.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada