daajis.com:- Qaraxii xooganaa ee maanta ka dhacay nawaaxiga xarunta dowladda hoose ee Officio Governo ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la soo dhigay afaafka hore ee maqaaxida Al Hindi, kuna taala dhabarka danbe ee xarunta Dowladda hoose ee Degmada Xamar Weyne.
Maqaayadda Al Hindi oo ku dhow Xarunta Dowladda Hoose Xamar Officio Governo, ayaa waxaa la beegsaday abaarihii 1-dii duhurnimo ee maanta, xilli diyaargarow loogu jiray waqtigii qadada.
Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen, halka toddobo kalana ku dhaawacantay.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira carruur ciyaal iskuul ahayd oo wadada kula kulantay qaraxaasi, wax yar uun ka dib markii iskuulka laga soo fasaxay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa wuxuu su’aal ka keenay waxa ay markasta Shabaabku u beegsanayaan goobaha ay dadka rayidku ku badan yihiin.
Afhayeenka ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab ku eedeeyay kuwo u soo qalab qaatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba galabsan, isagoona ku tilmaamay Shabaabku kuwo aan aqlaal lahayn.
Qarax Dowladda Hoose, Officio Governo-1




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at