Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Horyaalka Sacuudiga ka dheela oo garoonka dhexiisa tinta looga jaray

Daawo Sawirada: Ciyaaryahan Horyaalka Sacuudiga ka dheela oo garoonka dhexiisa tinta looga jaray

daajis.com:- Goolhaye Waliid Cabdalla oo u ciyaara Naadiga K/cagta Al Shabaab ee Sacuudiga, ahna Goolhayaha Koowaad ee Xulka Qaranka ayaa lagu amray inuu Timaha iska jaro, xilli ay bilaaban lahayd Ciyaar ka tirsan Horyaalka Dalkaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay Amar ku aadan inaysan Ciyaartoyda u jaran karin Timaha qaabka Ciyaartoyda kale ee Reer Galbeedka, iyadoo la sheegay in qaababkaasi ka hor imaaanayaan Qaabka Timo-jarista Islaamka “Anti-Islamic’ hairstyles”.
Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa laga arkay Ciyaartoyda iyo Saraakiisha Naadiga oo si kulul u naqdinayo Tallaabadaasi iyo in Ciyaaartoyga maqas looga jaro Timaha, isagoo food yar lahaa.

Websaytka Arriyadiyah ee ka faallooda Ciyaaraha ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga mamnuucday inay Ciyaartoyda timaha u jartaan qaabka ay Ciyaaryahanadda Caalamiga u jartaan Timaha, siiba noocyadda ka hor imaanayo qaabka ay Muslimiinta u jartaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada