Daawo Sawirada: C/weli GAAS oo Warshad hubka sameysa ku…

Daawo Sawirada: C/weli GAAS oo Warshad hubka sameysa ku…

daajis.com:-  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa shalay kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.

Gaas ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Ethiopia, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada