daajis.com:- Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku geeriyootay kadib markii uu kusoo dumay dhismo dabaq lix biyaano ka kooban oo kuyaala Magaalada Nairobi, waxaa sidoo kale dhaawacyo uu soo gaaray dad kale oo ku sugnaa dhismaha soo dumay.
Dabaqan ayaa dumay shalay galab xili roob xoogan uu ka da’ayay magaalada Nairobi, waxaana dadka dhintay la sheegay in dhismaha Dabaqaas ay uga okoranayeen roob xoogan oo xiligaasi da’ayay, waxaana kusoo dumay dhismaha ay ku hoos jireen.
Ciidamada Gurmadka ayaa sidoo kale bad baadiyay dad kale oo badan oo ku jira dhismaha dabaqa ee soo dumay, waxaana sabab looga dhigayaa dumitaanka dabaqan roob mahiigaan ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Nairobi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at