Daawo Sawirada:- Furitaanka Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Daawo Sawirada:- Furitaanka Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si rasmi ah u furay wajiga 2aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiraan.

Shirkan oo muddo labo bilood ah hakad ku jirey ayaa ugu dambeyntii waxaa  maanta ku sugnaa madasha shirk lagu furayay inta badan hogaamiyaasha dhaqanka bulshada ku nool labada gobol.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa furitaanka wajiga 2aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowlada Federalka dhismaha maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowlada ay muddo dheer u soo adkeysanaysay in shirkan uu hakad ku yimaado, haatana ay ku wareejisay in ay shirka hormuud ka noqdaan duubabka dhaqanka.

“Dowlada waxaa ka go’an in maamulka labada gobol uu ahaado sidii hore uu madaxweynaha uga soo saaray dikreetada xarunta maamulka labada gobolna ay tahay Buulo-Burte oo aan soo diyaarinay xaruntii maamulku ku shaqeyn lahaa.”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa.

Odowaa ayaa xusay in Madaxweynaha maamulka labada gobol uu yeelanayo uu yahay mid doorasho ku imanayso,isagoo meesha ka saaray in dowladu ay wadato cid gaar ah oo ay Madaxweyne ka dhigeyso.

Munaasabada furitaanka wajiga 2aad ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Oday dhaqameedyo ay ka mid ahaayeen Ugaas Cabdraxmaan Ugaas Cabdullaahi, Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb,Ugaas C/xakiim Ugaas Maxaad iyo Nabadoon Maxamuud Xasan Xalane oo ku hadlay magaca duubabka.

Sidoo kale waxaa munaasbadan ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cismaan Cali kuwaasoo ku hadlayay magaca maamulada ka jira labada gobol.

Wasiirada maanta gaaray magaalada Jowhay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka,Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyradka Badda,Wasiirka Batroolka,Wasiiru Dowladaha Maaliyada,Wasiiru Dowlaha Arrimaha gudaha,Wasiiru dowlaha madaxtooyada,

Shirka maamul u sameynta labada gobol ayaa waxaa weli ka maqan qaar ka mid ah oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada