Daawo Sawirada:- ISIS oo damacsan weerarida Xeebaha Italy, Spain iyo Faransiiska

Daawo Sawirada:- ISIS oo damacsan weerarida Xeebaha Italy, Spain iyo Faransiiska

daajis.com:- Hay’addaha Sirdoonka ee dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah uga digay Qorshaha cusub ee ay Kooxda Daacish ku doonayaan inay weeraro kaga geystaaan Jesiiradda loo nasasho tago ee dalalka Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain.

Warbixinta Hay’addaha Sirdoonka Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa lagu soo daabacay Wargeyska BILD ee ka soo baxa Jarmalka, waxaana laga digay inay Daacish weeraro la beegsan doonaan Dalxiisayaasha Shisheeyaha marka ay fasaxa galaan Xilliga Xaggaaga ee soo socda.

Sirdoonka Talyaaniga iyo Jarmalka waxay ogaadeen inay Daacish qorsheynayaan inay  iska soo dhigaan Qaxooti iibinaya Jalaatadda nooca Ice Cream iyo Garanadda t-shirts-ka.

Wargeyska BILD waxa uu qoray inay Daacish waxyaabaha qarxa ku hoos xiraan Sariiraha lagu seexdo ee  loo adeegsado Xeebaha (under sun beds).

Sirdoonka Talyaaniga iyo Jarmalka waxay sheegeen inay Digniinta Loo-qaateenka ah ka heleen Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Qaaradda Afrika, kuwaasi oo qeexa qaabka ay Dacaish u fulin doonaan weeraradaasi.

Hadalkan ayaa soo baxay ka hor, markii ay Bolis ku sugan Jesiirad loo fasax tago oo ku taalla Britain lagu qabto nin lagu tuhunsan yahay inuu la shaqeeyo Daacish.


Saraakiisha Jesiiradda Majorcda waxay ku eedeeyeen Eedeysane u dhashay Moroko oo aan magaciisa la shaacinin inuu qorsheynayey weerar uu ka fuliyo Qaaradda Europe.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu eedeeyey inuu xiriir dhow la leeyahay Hoggaamiyayaasha Daacish ee fariisinka ku leh gudaha dalalka Syria iyo Iraq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada