Daawo Sawirada+ Warbixn:- Shacab careysan oo is hortaagay kulanyo AMISOM oo nin waayeel ah ku jiiray Km4

Daawo Sawirada+ Warbixn:- Shacab careysan oo is hortaagay kulanyo AMISOM oo nin waayeel ah ku jiiray Km4

daajis.com:- Dadweyne ka careysan ciidamo ka tirsan AMISOM oo mid ka mida gaari ay wateen ku jiiray aargada isgoyska Km4 ayaa hor istaagay baabuurtii ciidamada AMISOM.

Arrintan oo maanta ka dhacday Isgoyska caanka ahee KM4, waxay dadkaasi ka caroodeen gaariga AMISOM oo markii uu jiiray nin waayeel ah isku dayay inuu isaga dhaqaaqo, waxaana gaariga AMISOM oo ahaa mid qafilan isku hor gudbay dadweyne shacab ah oo geesinimo dheeraad ah muujiyay iyagoo is haysta gacmaha.

Ninka waayeelka ah ee ay jiireen AMISOM ayaa dhaawac culus soo gaaray waxaana la sheegay in mid ka mida labadiisa lugood ay burburtay.

Dadweyne fara badan ayaa soo buuxiyay isgoyska KM4 ee shilku ka dhacay, waxayna u diideen gaariga AMISOM inuu dhaqaaqo iyagoo hortiisa dhoobtay.

Waxaa kaloo la yaab lahayd in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo goobta soo gaaray ay la safteen dadkii shacabka ahaa, waxaana Kolonyadii AMISOM lagu qasbay inay qaadeen  ninkii ay dhawaceen, taasoo keentay in ciidamadii AMISOM ay ku qasbanaadeen inay qaadaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada