Daawo:- Tubman oo noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee lagu daabaco lacagta Dollarka

Daawo:- Tubman oo noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee lagu daabaco lacagta Dollarka

daajis.com:- Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay waxa ay ku soo daabacaysaa lacagteeda haweeney madow ah oo u dagaalantay sidii loo xoreyn lahaa dadka la addoonsan jirey.

Xoghayaha Maaliyada dowlada Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah goordhow ugu dhowaaqdo qorshahan lagu bedelayo sawirka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Andrew Jackson.

Tubman ayaa ahayd haweeney ka baxsatay addoonsigii ka jirey dalka Maraykanka, balse markii dambe waxa ay nafteeda u hurtey sidii ay dadkii ku noolaa Koofurta Maraykanka ee ka shaqeynayay tareenka dhulka hoostiisa mara u heli lahaayeen xorriyad.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa la soo bandhigay qorshe ahaa in la bedelo sawirka Alexander Hamilton oo ku dhegen lacagta tobanka dollarka Maraykanka ah laguna bedelo qof dumar ah.

Hase yeeshee qorshahaas waxaa la bedelay kadib markii taageerayaasha Hamilton iyo kooxaha haweenka u ololeeya ay codsadeen in la bedelo sawirka labaatanka dollar laguna bedelo sawirka haweeney.

Jackson oo ah qof aad u adadkaa  ahaana qof ku dhaqmi jirey addoonsiga lagu bedelo muuqaalkiisa haweeney ku dhalatay addoonimo.

Markii lagu dhowaaqay in lacagta labaatanka dollar lagu bedelayo qof dumar ah ayaa labaatameey kooxaha haweenka u ololeeya waxa ay sameeyeen sahan ay ku soo xulayaan qofka ku haboon in lagu bedelo Jackson.

Muddo toban toddobaad ah ayaa kooxahan waxa ay cod ka qaadeen  dad gaaraya 600,000 haweeneydii ugu sare martay cod bixintana waxa ay noqotay Tubman.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada