daajis.com:- Maxkamadda Sare ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia, waxay saakayto xukun dil ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasi oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey Weriyayaal badan oo lagu dilay magaalladda Muqdisho.
Xasan Xanafi oo ahaa Sarkaalka Alshabaab ugu qaabilsana dhinaca Saxaafadda, waxa uu horey u qirtay inuu ku lug lahaa dilalka Weriyayaasha lagu laayey magaalladda Muqdisho.
Xukunka maanta lagu fuliyey Xasan Xanafi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Qeybaha kala duwan Maxkamadda Ciiddanka Qalabka Sidda iyo Suxufiyiin ka kala socotay Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal, ayaa DAAJIS u sheegay in markii saakay dilka lagu fulinayay Xasan Xanafi uu hanjabayay, islamarkaasna uu ku hanjabayay in hadii isaga ladilo xitaa uusan joogsan doonin dilka wariyaasha.
Dilkiisa ayaa yimid labo maalin, kadib, markii ay Maxkamadda Milliteriga xukuno Qisaas ah ku fuliyeen 2 Eedeysane oo lagu helay inay ka dambeeyeen qaraxii lagu dilay Saxafiyad la oran jirey Hindiya Xaaji Maxamed,oo ka mid ahayd Shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
Marxuumadda waxay ku geeriyootay qarax loogu rakibay gaarigeeda bishii December 3-dii ee sannadkii hore, xilli ay ka soo baxday Jamaacad ay dhigan jirtey.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:59 and have
, Published at