daajis.com:- Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Fayesal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar afka ah ku qaaday maamulka madaxweyne Xasan Sheikh ee dalka Soomaaliya.
Fayesal Cali Waraabe ayaa sheegay in wadahadaladii ka socday dalka Turkiga ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ay hakad gelisay dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay Waraabe.
Wuxuu arintaasi u sababaeeyay dadkii shirkii ugu dambeeyay u matalayay dowlada Soomaaliya oo badankood kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iyaga oo diiday iney kasii mid ahaadaan wadahadalka maadaama dad isku deegaan yihiin ay la fariisteen.
Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyay in wax wadahadal ah aan lala galin dowlada Xasan Sheikh Maxamuud ilaa uu xilka ka dagayo madaxweynaha Soomaaliya, oo uu u arko inuu burburiyay wadahadaladii horey u socday.
Hoos ka daawo muuqaalka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at