Dableydii ka danbeeyay dilkii haweeney 80 jir ah iyo gabdho kale oo la qabtay

Dableydii ka danbeeyay dilkii haweeney 80 jir ah iyo gabdho kale oo la qabtay

daajis.com:- Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dableydii ka danbeeyay dilal kala duwan oo Muqdisho loogu geystay haween ku noolaa magaalada Muqdisho, iyadoo haweenkaasina ay ku jirtay haweeney la sheegay in ay jirtay 80 sano.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in ciidamada Booliska howlgallo ay sameeyeen ay ku soo qabteen gacan ku dhiiglayaashii geystay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Wuxuu sheegay in ciidamada ay soo qabteen raggii dilay haweenaydii waayeelka ahayd ee xalay lagu dilay degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Cibaado Cali Cagla. wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Fowsiyo Jamaal Hassan Hilowle,  iyadoo lagu dhaawacay  Gabar kale oo la dhalatay laguna magacaabo  Shankaroon Jamaal Hassan.

Taliye Cali Gaab ayaa sababta dilka gabadha danbe ku sheegay sheegay in ragga dilka geystay inay doonayeen inay dhacaan Mooto Bajaajtii ay la socdeen Gabdhaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada