Dalka India: Buundo Dhismo ku socday oo soo Duntay kuna Habsatay Dad Badan (VIDEO)

Dalka India: Buundo Dhismo ku socday oo soo Duntay kuna Habsatay Dad Badan (VIDEO)

daajis.com:- Dad badan ayaa maanta ku naf waayay kadib markii ay ku soo duntay buundo dhismo ku socday oo ku taala magaalada Kolkata oo ka taaala bariga wadanka Hindiya.

Kooxaha gurmadka deg dega ah iyo booliska ayaa weli ku mashquulsan daad guraynta dadka ku dhaawacmay buundada, sheegayna in inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah dadka geeriyooday haddana ay socoto howl loogu soo daad gurayo dad ku hoos jira bur burka buundada.


Dadka ku nool magaalada Kolkata ayaa warbaahinta u sheegay in buundada oo qeyb ka mid ah uu dhismo ka socday haddana qeybteeda kale gaadiidku uu caadi u isticmaalayay.


Dalka India ayaa waxaa ku badan Dhismooyinka halmar isku duma, waxaana loo sababeeyaa agabyada dhismaha loo adeegsado oo tayo ahaan aad u liita.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada