DEG DEG: Golaha Sare ee Beesha Habardidir oo Cilaamiyey Jihaad Ka Dhan Ah Itoobiya

DEG DEG: Golaha Sare ee Beesha Habardidir oo Cilaamiyey Jihaad Ka Dhan Ah Itoobiya

daajis.com:- ( 24 APRIL 2016) Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha sare ee Beesha Habargidir .

Beesha Habargidir waxeey bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqeeysaa inaan indhaha laga qarsan duulaanka Ethiopia ku soo qaaday Soomaaliya ee ku dooneyso iney ku qabsato dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Beelweynta Habargidir umma lahan dhaqan iyo taariikh iney indhaha ka eegtaan falalka foosha xun ee Xabashidda ku soo duushay dalka kula kaceen dadka Soomaaliyeed sidaas darteed waxeey beesha Iclaamineysaa Jihaad lala galo Xabashidda iyo dabadhilifyadooda.

Xoogagga beesha Habargidir waxeey bartilmaameedsan doonaan meelkasto oo ay dalka Somalia ka joogaan Saraakiisha Ethiopia iyo Ciidankooda sida Galgaduud oo ay Dhuusamareeb ku leeyihiin talis Ciidan .

Beesha Habargidir waxeey og tahay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas soo abaabulay weerarkii  Ciidanka Liyuu Booliska Amxaaradda ku laayeen Haweenkii iyo Caruurtii beesha Habargidir ee  Kaxandhaale iyo Dacdheer sidaas darteed waxeey beesha Majeerteen ugu baaqayaan iney cadeeyaan mowqifkooda dhagarta uu ka shaqeeyay Madaxweynahooda Cabdiweli Cali Gaas.

Beesha Habargidir waxeey og tahay in Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Ileey adeegsaneyso Amxaaradda iyagoo beesha Wagardhac ugu sheekeeyay in Habargidir looga sifeeyn doono Gelinsoor,Dhuusamareeb,Kaxandhaale ilaa Dacdheer hasse yeeshee qorsheyaasha nuucaasa waxeey qeyb ka yihiin dhagarta Ethiopia rabto iney ku kala qeybiso bulshadda wada dhalatay sidaas darteed waxeey beesha Habargidir ugu baaqeeysaa beelaha Mareexaan iney cadeeyaan moowqifkooda dadka u dhashay ee maata leeynta ku garab siinaya Xabashidda.

Beesha Habargidir waxeey gacmo furan ku soo dhaweeyneysaa Jabhadda Gobanimo u dirirka ONLF ,iyadoo la garab istaageyso hiil iyo hoo si ay iskaga xureeyaan gumeeystaha kufsaday haweenkooda,waxgaradkooda laayay ee Xabashidda Ethiopia.

Beesha Habargidir waxeey beelaha Soomaaliyeed ugu baaqeeysaa ineysan goboladooda ku sugin inta gumeeystaha  Xabashidda ugu tegayaan hasse ahaatee looga baahan yahay iney maanta dagaalka leeysaga celinaa Xabashidda ka qeyb qaataan.

Ugu dambeyn dagaalkii ka dhacay Dacdheer wuxuu noqon doonaa mid Maamulka Jigjiga iyo kan Xabashidda ku waana qaataan anagoo hubno iney maanta xaqiiqsadeen ineysan Galgaduud iyo Mudug deganeeyn dadkii ay kobaha la dulmri jireen.

Illaah baa Mahadleh.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada