daajis.com:- Qaraxa xoogan ayaa waxaa la soo sheegayaa in goordhow uu ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.
Xarunta uu Gobolka ka dhacay ayaa ku taalla degmada Xamar weyne, halkaasoo xarun u ah Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lagu dhuftay mid kamid ah baraha koontarool ee xarunta, halkaasi oo ay ku sugnaayen Ciidamada ilaalada u ahaa mas’uuliyiinta maamulka oo barta koontarool lagu reebo.
Qaraxa ayaa waxaa xigay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada xarunta iyo kuwo ku sugnaa meel aan ka fogeyn xarunta.
Lama Oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashat Qaraxa, balse waxaa xiran dhammaan wadooyinka gala xarunta.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:21 and have
, Published at